Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga iyo wefti weheliyay oo kala qayabgalay Jaalliyadaha Somaliland ee Maraykanka Xuska 18 May 2018.  

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) ayaa kala qaybgalay Jaalliyadaha Somaliland ee dalka Maraykanka xafladaha loogu debbaal-degayo xuska 18 May 2018 gaar ahaan magaalooyinka Washington DC, iyo Minnesota oo qabsoomay 11-kii iyo 12-kii May, isla markaana maanta gaadhay  magaalaa Ohio ee gobolka Columbus oo uu kala qaybgalayo jaalliyadaha Somaliland ee gobolkaas xafladda debbaal-degga maalinta qaran ee xuska 18 May 2018.

Weftigan oo Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga uu ku weheliyo Mudane Siciid Daahir Siciid oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland  ee mudada dheer ku noolaa dalka Maraykanka, immikana ku jiray wufuudda Wasaaradda Arrimaha Debadu u kala dirtay wadamada debadda qaarkood gaar ahaan Woqooyiga Maraykanka; ayaa ugu horrayn ka qaybgalay xaflad si aad u heer sarraysa ay usoo agaasimeen Jaalliyadda Somaliland Washington Community oo 11-kii May ka dhacday Washington DC. Waxa iyaguna ka soo qaybgalay xafladda oo lagu soo martiqaaday qaybaha bulshada kala duwan Gudida Jaalliyadda, masuuliyinta ka socday xisbiyada qaranka, odayaasha jaalliyadda, fannaaniin iyo kooxaha fanka iyo suugaanta. Jaalliyadda Somaliland Washington Community ayaa munaasibadaas shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Guddoomiye Dayaxweerar. Masuuliyiinta kala duwan ee xafladahan ka hadlay ayaa khudbado taariikhi iyo dhiirigelin ah  u jeediyay ka soo qaybgalayaasha xafladaha iyaguu ku hambalyeeyay u debbaal-degga sannad-guurada 27aad 18 May 2018, isla markaana ugu baaqay qurbajoogga Somaliland inay u midoobaan iskaashiga danahooda, wadajirkooda,  waxwada qabsigooda iyo waxtarka dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiye Dayaxweerar ayaa khudbaddiisa ku soo qaatay qodobo badan oo ahmidyad u leh abaabulka iyo midnimada jaalliyadaha Somaliland ee dalka maraykanka iyo Qurbajoogga guud ahaan, sida xagga diwaangelinta, samaynta sanduuqa Qurbajoogga iyo nidaamyo maamul la xidhiidha, waxanu ugu baaqay jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka inay dib u dhisaan dalladii Somaliland Forum ee aqoonyhanka qurbajoogga Somaliland  Maraykanku lahaayaan jireen.

Sida ajandaha gaar ahaan xafladda lagu qabtay Washington ku jirtay, waxa lagaga hadlay nidaam wada shaqayneed iyo heshiis iskaashi labda dhinac ah oo Hay’adda Qurbajoogga Somaliland iyo Ururka Jaalliyadda Somaliland ee Washing kala saxeexdeen kaasoo ku saabsan ka wada shaqaynta, dhaqaale u raadinta iyo hirgelinta mashaariic kala duwan oo mudnaan u leh dalka kuna salaysan sida ay Hay’adda Qurbajooggu usoo qorshayso ama ugu soo talo bixiso taasoo dhanka kalena ku dayasho fiican u noqonaysa Jaalliyadaha kale ee Somaliland ee dalalka muhiimka ah ku baahsan.

Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Jamaal Yuusuf Daroor ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyay  xubnihii gudida qabanqaabada ee soo abaabulay xafladda lagu qabtay Washington DC kuwaasoo ay ka midyihiin   Kaltuun Hussien Issa, Hodan Abdi, Ibrahim Kaahin, Fahima Aar, Fuad Hassan, Hassan Adan, iyo Fardowza Sugaal.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi ayaa ka hor Maraykanka ku horreeyay dalka Canada oo uu kala qaybgalay Jaalliyadda iyo Danjire Luula Axmed Cismaan xafladaha debbaal-degga xuska May iyo weliba bannaanbaxyo Jaalliyadda Canada isugu soo baxeen debbaal-degga xuska 18 May iyo cabbiraadda rabitaanka bulshada Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso