Gudaha Ka Akhri Sideeda dal ee haysta Hubka nukliyeerka Adduunka


Waxa Jira Sagaal wadan oo haysta hubka nukliyeerka haday tahay qaar ay xanbaarsan yihiin gantaalaha dhulka, badda iyo hawada ama la kaydiyay. Waxaa jira 1800 diyaar ah lana ridi karo Ilbidhiqsi kasta.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa leh hubka ugu Badan ee Nukliyeerka.

Tirakoobyada qiyaas ahaan, 7000 Waxa Haysta Russia ah, 6800 Mareykanka ah, 300 Faransiis-ka, 270 oo Shiinaha, 215 Ingiriis-ka, 140 Pakistan , 130 Hindiya iyo 20 waqooyiga Kuuriya.

Waxa La Sheegaa in Israel weligeed aysan xaqiijin ama beenin inay haysato hubka nukliyeerka se waxa la aamisan yahay in ay hasato ilaa 80.

Tan iyo 1970, wadamada sida Maraykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa ku biiray Heshiiska Xayiraada Nidaamyada Nuclearka (NPT), oo aanay saxeexin Hindiya, Pakistan iyo Israel waxaana ka noqotay North Korea sannadkii 2003.

Heshiiska ayaa u aqoonsaday kaliya 5 wadan hubka nukliyeerka waxayna kala yihiin- Dawladaha Maraykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha kuwaas oo ah kuwii tijaabiyay heshiiska ka hor.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso