Daawo/Akhri: Xukuumada Somaliland Ayaa  Labo Million Dollar Ku Wareejiyay Gudida Doorashooyinka Qaranka S.LAND.

(Toggaherer)-Xukuumada Somaliland Ayaa  Labo Million Dollar Ku Wareejiyay Gudida Doorashooyinka Qaranka S.LAND.

Yuusuf Maxamed Cabdi oo ah Wasiirka wasaarada Maaliyada somaliland ,isla markaasina ay wahelinaayeen Gudoomiyaha Bangiga dhaxe somaliland iyo xisaabiyaha qaranka ayaa waxay kulan kula qaateen magaalada hargeysa Gudida doorashooynka qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaarada maaliyada somaliland yuusuf maxamed cabdi ayaa dabookaka qaaday in wasaarada maaliyadu ay ku wareejinayso Guddida Doorashada qaranka labo milyan Oo Dollar oo ay xukuumadu rabtoin lagukharasha garayn doono Doorashooyinka soo socda Ee golaha wakiiladasomaliland iyo Golayaasha deegaanka.

 Wasiirka Oo Arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:
(maanta oo ay Bishu tahay 10/5/2018kaAnigoo ku hadlaaya afka madaxweynaha jamhuuriyada somaliland oo marar badan balan qaaday in ay ka go-an tahay xukuumda uu hormoodka ka yahay in ay qabsoonto dorashooyinkii Golaha wakiilada iyo Dowlaha hoose oo inoo astaysnaa in aynu qabano sanadkan 2019ka Bishiisa saddexaad ,balan qaadkii qaybtii hore ayaanu maanta fulinaynaa ,isla markaasina ah xukuumada Somaliland saamigii kaga soohagaagay qabsoomida Doorashada dhinaca lagacta ,in lacagta qaybtii hore diyaar naga tahay qaybtaasi oo ah boqolkiiba afar iyo afartan ,una dhiganta labo malyan oo Dollar ,taasi oo aan si rasmi ah ugu wareejin doono Gudoomiyaha guddida doorashooyinka mudane -cabdiqaadir iimaan warsame ,haddi Alle idmana baaqiga hadhsan oo dhan labo malyan iyo shan boqol in iyadan sida ugu dhaqsaha badan aan u bixin doono ,wadarta guud ee laga rabay  in ay kaga qaybqaataan lacag ahaan waa afar milyan iyo shan boqol taasi,oo ku jirtay miisaaniyaga qarankeena).
Gesta kalena Gudoomyaha Guddida Doorashooyinka Qaranaka somaliland C/qaadirIimaan warsame ayaa sirasmi ah uga gudoomay dhaqaalahaasi waxaanu xukuumada uga bahadceliyey dhaqaalahaasiay soo bixisay ee lagu kabaayo lacagta lagu qabanaayo doorashooyinkaasi is huwan ee wadanka ku soo fool leh.
Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka qaranka Somaliland Ooarrintaasi ka hadlaaya  ayaa yidhi:
(Waxaanu saaka iskugu nimid shaqooyinkii caadiga ahaa oo uu komishanku qaranka u hayey waa qayb ka mid ah uun ,waanaqaybtaasi oo ah shaqadii laga doonaayeyin la bilaabo uun oo laga doonaayey ayaa waxaanu ku soo booqanay xafiiskiisa wasiirka in aanu ka gudoono jeeg labo milyan ay ku saxeexan tahay,kaaso oo ah balanqaadkii iyo ka qaybgalkii ay ukuumada somaliland kaga qaybglaysay Doorashadaasi soo socota).
Diyaarinta-Caydaruus cismaan (Mr-Ayuubi)

Advertisement

Ku Xayeysiiso