Wasiirka Horumarinta Beeraha Oo Weheliyo Wasiirka Gaadiidka oo Kulamo la qaatay Beeralayda Degmada Laasgeel

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, kuna wehelinayeen wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa socdaal ku tegay beeralayda Jaleelo, Dararweyne iyo Dago oo ka tirsan Degmada Laasgeel.

Weftiga ayaa ugu horeyn maray beerta wax soo saarka Iskaashada Dhulmaal oo ku yeela deegaanka Dago, iyada oo uu halkaasi warbixin ka siiyey weftiga Mustafe Cumar ku Joog, isaga oo tilmaamay in hiigsigooda wax soo saar yahay sidii ay dalka uga kaafin lahaayeen wixii dalag loo baahan yahay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa khudbad uu u jeediyey dadweynaha deegaankaasi waxa uu ku dhiirigaliyey inay wax soo saarkooda kobciyaan, waxaan yidhi wasiirku “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa mulkiilayaasha ka fikiray inay mashruuca beeraha ee Dhul Maal halkan ka sameeyaan oo aan aad iyo aad ugu farxay”.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale khudbad ka jeediyey deegaanka Jaleelo oo ka tirsan degmada Laasgeel, waxaanu yidhi “Waa inaynu dedaalnaa oo aynu gacanta is qabsano sidii cuntadaa dibada inooga imanaysa uga maarmi lahayn ee aynu isugu filnaan lahayn”.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa isna dhankiisa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in wax soo saar lala yimaadaa, waxaanu yidhi “Isma lihi dalna horumar ayuu sameyn karaa isaga oo aan lahayn wax soo saar, waxaana kow ka ah beeraha, khayraadka badda oo ah Kaluumaysiga iyo xoolaha Nool”.

Ibraahim Cumar Kaahin Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee wasaaradda horumarinta beeraha oo isna madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in muhiimada koowaad ee wasaaraddu tahay dhaqaalaynta ciida iyo biyaha si wax soo saar loo helo, waxaanu bulshada ku dhiirgaliyey inay wax soo saarka ay ku dedaalaan.

Xubno ka mid ah dadweynaha deegaanka oo madashaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey caqabadaha ka haysta beeraha, iyaga oo uga mahadceliyey socdaalka uu wasiirku beerahooda ku yimid.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso