Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Maraykanka Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May.

Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May, taasi oo ay marti ku noqon doonaan fanaaniin Somaliland ugu meesaanka weyn, Sir Mohamud Omer yare (Walaalaha Sweden), iyo Alfanaan NUURDAALACAY-Nuuradiin Jama Adan.

Gudida ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay soo saareen  oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagews, waxaanu qoraalku udhibnaa sidan:-

Jaaliyadda ku dhaqan agagaarka Washington, DC. USA, waxay diyaarinayaan u dabaal-dega 18-ka May oo sannadkani kusoo beegmay kii 27aad, markaa waxaanu qorshaynaynaa inuu sannadkani noqdo mid aad uga duwan kuwii hore loo soo qaban jiray. Waxaaynu nasiib wayn u helnay

inuu inoo yimaado fanaaniinta Somaliland caanka ka ah ee  SIR MOHAMUD OMER, iyo NUURDAALACAY-Nuuradiin Jama Adan oo ka iman doonna London, UK. Waxaa kale oo inagala soo qayb gali doonna fanaaniin kale oo magaalada inala deggan.

Maadaama aanu qorshaynayno in xafladani noqoto mid aad u heersaraysa, waxaanu idinka codsanaynaa inaad caruurtiina keentan si ay inoola qayb qaatan dabaal-degan muhiimka idinkoo u soo xidhaya astaamo muujinaya dharka dhaqanka Somaliland.  Waxaanu filaynaa inaad fahamsantihiin muhiimada ay leedahay u dabaadega 27 guuraddii kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda, taas oo u baahan inaynu dhamaanteen kasoo qayb galno inagoo muujinayna farxad iyo niyad wanaag.

Sanadkan waxaan kaloo nasiib u yeelanay in uu xuskan farxadeed nala qaadan doono wafti ka socota dowladda Somaliland, oo uu hogaaminayo chairman-ka Hay’dda Qorbo Jooga Somaliland, Md. Abdi Abdillahi Hersi (Dayax-Weerar). Sidoo kale waxaa iyagana ka soo qeyb galaya masuuliyiin ka kala socda sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani, iyo UCID.

Waxaa inoo balan ah habeenka bishu tahay Friday May 11,  2018 saacada 8-da fiidnimo iyo idinkoo diyaar u ah habeen farxadeed.

 

 

Alleh Mehad Leh

Jamal Yusuf Daroor

Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC.

Advertisement

Ku Xayeysiiso