Saadaal Rumowday: Ruwaayaddii Aw-Bustaale Sayax Ka Boode

.

Waxay ahayd hillaaddii 1981kii markii lagu soo bandhigay dalwaynihii
la isku odhan jiray Soomaaliya ruwaayad can baxday oo loogu wanqalay
Aw-bustaale,taasi oo uu soo agaasimay Abwaan Cismaan Aadan Xuseen
(Cismaan Askari).Waxaa daadihinayay intii loogu jeclaa hoboladdii
Waaberi:haddii ay noqoto dhanka jilitaanka iyo heesaagaba, kuwaasi oo
aan ka soo qaadan karo Axmed Cali Cigaal, Hibo Maxamed, Boon Xirsi,Cadar Axmed Kaahin,Basbaas,Huryo, Meecaad Miigane Aw-maacaleesh
iyo fanaankii caanka ahaa Faarax Guuleed Samatar waa koox aan dib loo
helayn oo ka soo dhex mudhay Fankii Soomaaliyeed ee galbaday,gadaalna
aan u soo noqonayn.

Waxa uu ruwaayadda u dajiyay Abwaan Cismaan qaab yaab leh oo ka duwan
sidii looga bartay ruwaayadihii Soomaaliyeed,kuwaasi oo mari jiray
qaab isku mida ah.Laakiin Aw-bustaale waxa ay furtay jiho cusub oo
iska wada hor imanaysa ama haddii aan si kale u idhaahdo isku cakis
ah,taasi oo wax walba lagu sheegayo wax aanay dhab ahaan ahayn.Cidda
la baxday Aw-bustaale waa jilaagii caanka ahaa Basbaas kaasi oo ku
jilayay inuu yahay Sheekh can baxay oo caalim ah hase ahaatee ahaa
tuug u shaqaysta si xarfadi ku dheehantahay lehna xer daba-guurta oo
ay muriido ka ahaayeen labaddii ka -qosliye ee Maxamed Cumar
“Huryo” iyo jilaagii kale ee aan ka laadlaadin Meecaad
Miigane”Aw-maacaleesh”

Inta xerta ahi waa Cadar Axmed, Barow, Caasha Yoonis, Cabdi Daayeero iyo
labadoodii muriid ee Huryo iyo Meecaad oo ahaa kuwa meesha shidayay
waxa kale oo isna baalka bidix xejisanayay Cabdi Daayeero oo xerta
dhexdeeda kula baxay “Ninkii Barakaysnaa”kaasi oo ahaa nin dawladda u
shaqeeya,ahaana nin tuug ah oo gacan togaaleeya Qasnadda dawladda
kaasi oo ka soo xada lacag badan kuna faraqa xerta Aw-bustaale si
hagar la’aan ah iyaddoo uu Cabdi Daayeero ama ninkaa barakaysnaa u
haysatay Aw-bustaale sheikh can ah oo diinta ka gaadhay heer sare
taasi oo ahayd mid waxba kama jiran ah oo uu ku hodmay ama ku dagmay taasi
oo gayaysiisay inuu ku danbeeyo meel aanu filayn oo noqotay in Jeelka
loo taxaabo,Aw-bustaalena waxba uga tari waayay markii uu furdaamin
uga baahday,ilayn waa sheikh been ah am bug ah’e.

Waxaa ka soo muuqday Masrixii xertii Aw-bustaale oo qaadka iyo
sigaarka budhbudhinaysa oo ay iskugu duba dhacsantahay.iyadoo uu xerta
la fadhiyo Cabdi Daayeero ama ninkii barakaysnaa oo xerta ka taageeri
jiray wixii kharash ah ee ay baahdaan.ilayn waa lacag aanu lahayn oo
uu ka soo mustaeeyay Khasnadda dawladda’e.

Iyadoo xertii iska shalaadaysa oo qaadaysa qasiidaddii ay caanka ku ahaayeen ee:
“Bustaalow barakadaada
Xertaada un soo banaandhig”
oo u ahayd dhextaal inay qaado xeryta mirqaansan ee Aw-bustaale,ayaa
waxa si lama filaan ah xertii isku soo dul taagaya Maxamed Jaamac
(indho Jacayl) oo matalayay askari dawladda u shaqeeya kaasi oo daba
socday tuugga lacagta soo xada ee dawladda u shaqeeya
waa: Cabdi Daayeero ama ninkii barakaysnaa oo inta uu Baastoolad
ku qabtay ka dibna kexeeyay,si uu u soo xidho taasi oo ay liqi waayeen
xertii Aw-bustaale ee uu ka tirsanaa waxa lagu qoonsaday ninkii
barakaysnaa.

Xertii oo yaaban ayaa ku tiraabay bal inuu u fasilo Aw-bustaale
xertiisa waxa lagu qoonsaday Ninkii barakaysnaa,iyadoo ay aqoon
diimeed oo fog ku tuhmayeen sheekhooda Aw-bustaale taasi oo uu kaga
fal celiyay waxaan loo fadhiyin iyo wadhi taasi oo uu xertii ku afuufay
been aan waxba ka jirin taasi oo uu yidhi Ninkii barakaysnaa waa uu
sii dalacay oo waa la sii dalacsiiyay halka uu ahaa mid xadhig
galay,taasi oo xertii mar kaliya farxad isla oogsadeen oo ay ku
tiraabeen “Maanshaa Allaa” iyagoo dhabta moog Aw-bustaalena uu marin
habaabiyay xertiisa oo uu u sheegay waxaan jirin oo ka fog xaqiiqadda.

Haddaba akhriste sidaa Aw-bustaale si la mida waxa falay Madaxwayne
Biixi oo mid ka mida golihiisa Wasiiradda ku soo daray Cabdillaahi
Abokor oo uu waliba u dhiibay Wasaarad mug wayn oo aanu qaadi
Karin,aqoona aaanu u lahayn shaqadeeda.kaasi oo ka mida inta loo
tirinayo kuwa lunsaday hantidii lagu sheegay 9 million oo loogu tala
galy in biyo lagaga soo saaro deegaanka Xunbo-wayne oo aan Hargaysa ka
fogayn,taasi oo uu dhawaan inoo xaqiijiyay Wasiirka Biyaha Somaliland
in uu gabi ahaanba fashilmay Mashruucii Xunbo-wayne oo aanu jirin biyo
ah oo laga sugaa,iyadoo ay ahayd in Cabdillaahi Abokor iyo intii ku
lug lahayd fashilkaa Xunbo-wayne in garsoorka Somaliland wax ka
waydiiyo inta ay eeda ku lahaayeen. Taa iska ilow waabu sii dalacay oo
la sii dalacsiiyay Cabdillahi Abokor.

Miyaaynaan odhan karin Aw-bustaale sayax ka boodee ruwaayad rumowday
31 sanno ka dib soo bandhigideeddii taasi oo ku tusaysa aragti
dheeridda mu’alifiinta Somaliland iyo kuwii Soomaliyeedba iyo sida
falkan ee ay u unki jireen dhacdooyin haabkaba lagu hayn xilligaa
oo aad la yaabayso sida ay u sii arkeen ama loogu sii
iftiimiyay,dhanka kale waxaan odhan karaa Madaxwayne Biixi waa
Aw-bustaalihii maanta ee Somaliland kaasi oo ay ahayd inuu Cabdillaahi
Abokor kula xisaabtamo intii uu ku lahaa boobka mashrruca Xunbo-wayne
halka uu ka sii dalacsiiyay sababta uu taa u yeelay waa codadkii uu
Cabdillaahi Abokor uga keenay gobalka Saaxil oo uu ka soo jeedo, iyadoo
uu waliba ugu magacownaa Maaamulaha Doorashadda gobolka Saaxil oo ka
mida meelaha kursiga ku badhi taaray.

Soo afmeerida Maqaalkaygan aan ugu magac daray Saadaal
Rumowday:Aw-bustaale Sayax ka Boode aan idhaahdo Ilaahow u naxariiso
Abwaankii ruwaayadda isku dubriday Cismaan Aadn
Xuseen,heesaagii,jilayaashii,Musishankii iyo intaa suurta galisay soo
bandhigideeda iyo soo if bixinteeda kuwaasi oo si falkan oo
farshaxansan noogu soo tabiyay kuwaasi oo ahaa hobaladdii Waaberi ee
la mahadiyay kuwasi oo intoodii badnayd hoyatay oo aanu u ducaynayno
Aamiin.

Waxaa qoray

Cabdi Muhumed
cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso