Marwada koowaad ee Brazil oo halis gelisay nolosheeda si ay u badbaadiso Ey-geeda oo Qaraqmay !!!

Marcela Tamer, oo ah Marwada Koowaad ee Brazil, ayaa isku tuurtay bali si ay u badbaadiso Ey geeda si ay uga badbaadiso inuu qaraqmo , sidaasi waxaa yidhi Masuul u hadlay Madaxtooyada dalkaasi.

Dhacdada ayaa dhacday mar ay Marcela tamashlaynaysay beer iyada iyo wiilkeedu markii ay aragtay Ey geeda, Piccoli, oo ah Caynada Jack Russell,oo ku booday bali kana soo bixi kari la`, ka dibna waxay isku day-day badbaadintiisa, iyada oo halisna gelisay nolosheed.

Shilkan ayaa dhacay ka dib markii mid ka mid ah Ilaaladu diiday inuu badbaadiyo Ey-ga.

Madaxwaynaha Brazil Michel Tamer iyo qoyskiisu ayaa waxay leeyihiin Noocyada Ey-da Bicoli iyo Thor.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso