Ciidanka Iiraan: Waanu ka jawaabi doonaa dhammaan Gardarooyinka waqtigooda

Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Iran, Major General Mohammad Baqri, ayaa carabka ku adkeeyay in Iran aysan oggolaan doonin gardaro kasta ayna ka jawaabi doonaan dhammaan weerar kasta oo lagu soo qaado waqtiga ku munaasabka ah.

“Dhacdooyin ayaa dhacay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay oo aan laga jawaabin, laakiin tani macnaheedu maaha in la oggolaado ama la oggolaaday gardarrada,” ayuu yidhi Baqeri oo booqasho ku tagay xarumaha Iiraan ee magaalada Dezful ee koonfurta galbeed Khuzestan Wadanka Iran.

“Ciidamada difaaca Iran waxa ay ku qanciyeen cadawga in cadaadiska iyo cagajugleynta dhulkeena iyo danaha dalkan Kacaanka ah iyo madax-bannaanida adduunka aanay ka helayn wax faa’iido leh iyagu lakiin se waxa qudha ee ay ka dheefi doonaan waa khasaare Cadwguna wax hadaf ah kama gaadhi doono. ” ayuu yidhi Bagheri ayuu sii raaciyey hadalkiisa, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Fars.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso