Xog Cusub: Ma Agaasime Guud Mise isku Eekaysiin Wasiir Xaashi iyo Xirsigii Chief of Cabinet-ka

Shalay waxa aan dhegeystay muuqaal uu ka hadlayey agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, kaas oo ka hadlayey qorshe iyo shir ay yeesheen Shaqaalaha madaxtooyadu balse uu isagu ku sheegay Agaasimeyaal daba gelaya waxa ay qabtaan wasiirada ama wasaaradaha madaxweynuhu magacaabay, taasi oo aniga shaki I gelisay runtii jeclaystayna in aan maqaal ka qore si dadku ila arkaan madaxweynuhu u ogaado in uu maray wado hore shacbigu uga qayliyeen oo aan anigu islahaaba malaha madaxweynuhu tallaabooyinkaasi oo kale qaadi maayo oo waa nin dalka iyo dadkaba wax badan xogogaal uga ah.

 

Hadaan intaa ka dhigo arar iyo hordhac kooban waxa aan uga dan leeyahay maqaalkaygan maxaynu isbedel uga baahnayn, hadiiba ay tani jirto oo madaxweynihii oo jooga uu agaasime guud oo weliba ay isku beel yihiin uu leeyahay wasaaraddaaha ayaan dabagal ku samaynayaa oo masuul dhan oo qaranka u dhaartay oo madaxweyne magacaabay ayaan u dirayaa shaqaale hoosaad aan wasaarad ku tiirsanayn oo shaqo aan sharci iyo nidaam dastuuriya loogu igmani uu qabto shaqo loogu talo galay wasaarada qorshaynta iyo hanti dhawraha guud oo aan anigu u arko inay shaqadooda tahay inay ku daba galaan ama ku ilaaliyaan hawlaha ay wasaaradu u hayaan qaranka iyo shacbigaba, balse ma garan halka uu ina cali bile ka soo galay iyo awoodaha uu u leeyahay arrintaasi, ma waxa uu ina leeyahay madaxweynahaan shaqadiisa gudan Karin sidii horeba u dhacday mise madaxweynahaa u igmaday oo isagaan xusin mise wax ummadda laga qarinayo ayaa jira oo madaxweyneyaashu ay u adeegsadaan dadkan awooda gaarka ah la soo baxa marka madaxweynuhu kursiga fuulo mise waxaan lagu kalsoonayn wasaaradahan dadka loo magacaabay ee waliba madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey, akhristayaasha ayaan u dhaafayaa su’aashaasi.

Midna waa iga hogo tusaalayn iyo dareen aan idin la wadaagayo, waana mid iswaydiinteeda leh in qofwalba jawaab u helo, waxa aynu ogayn markii dawladii silaanyo dhalatay in madaxweyne silaanyo magacaabay chief of cabinet kaasi oo muran badan dhaliyey loona magacaabay xirsi gab oo dadka ka qayli siiyey ilaa looga yeedhay barlamaanka oo wax laga waydiiyey awoodaha uu isticmaalayo halka uu ka keenay iyo in uu sharxo waxa uu yahay xilkan laftiisu iyo shaqada uu qabto, taasi oo aanan doonayn in aan ku sii dheeraado waa la ogaa halkii uu ku danbeeyey oo ahayd in maaro iyo jawaab loo waayey xirsina madaxweynaha ka dalbaday in uu wasiir buuxa ka dhigo oo uu sharci u maro awoodiisa, waanay u rumawday, balse ku darso meel ayey is kaga mid ka yihiin oo maanta waxa la baabiiyey wasaaradii madaxtooyada agaasime guudbaana ka shaqeeya.

Hadal gundhigii maxaa lagu haystay maxamuud xaashi sow may ahayn madaxtooyadii ayuu ka buuxiyey dad aan ehel u ahayn inay qasriga ka shaqeeyaan oo ka batay intii tiro ahaan loogu talogalay, bal aynu eegno ina bilena inta uu soo kordhiyo imika agaasime miidhan ayuu magacaabaye.

 

Subeer Xasan

Nuuriye8818@gmail.cm

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso