Daawo: Guddoomiyaha G/Benaadir oo la kulmay Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho, 07 Maajo, 2018 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines, ayaa kala hadlay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha iyo Horumarinta caasimada.

Duqa Caasimadda ayaa ka warbixiyey horumarka uu dhinacyada kala duwan ka sameeyey maamulkiisu, gaar ahaan xuquuqul insaanka, dawlad wanaagga, nabadda iyo qorshihiisa ku aadan sidii horumar wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Norwey sida ay ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul ee gurmad u baahan. Waxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha Barakacayaasha, gaar ahaan dajinta qorshaha mustaqbalka looga fekerayo 4ta sano ee soo socota in loo helo dib-u-dajin dhameystiran barakacayaasha.

“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana safiirkooda ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhanka dib-u-dhiska, gaar ahaan dhismaha Studiom Muqdisho, dib-u-casriyeynta nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda iyo sidii aan xal ugu heli lahayn dadka magaalada ku soo barakacay”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga Banii’adamnimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso