Sirta Dahsooni Waa Habka Fahamka Maskaxda Aadamaha

Dhakhtar ku takhakhusay cilmiga barashada daaweynta iyo cudurada guud ee ku dhaca ilkaha ayaa ii sheegay in dadka bir-labta ahi ay leeyihiin isku kalsooni iyo iimaan, oo og guusha lagu guuleystaa inay ku timaado dhalasho ahaan, halka, kuwa aan bir-labta ahayna ay qalbiyadooda ka buuxaan cabsi iyo shaki badan, marka ay fursadu u timaado”

Waxaan xusuustay safarkii iigu horeeyey ee aan u raaco diyaarad caasimada London ee dalka Ingiriiska, ka dib, markaanu ku soo dhawaanay gagada diyaaraduhu ka haadaan (London City Airport) caasimadda London ee dalka Ingriiska, ayaa lagu wargaliyey wadihii diyaaradaas in aanay soo cago dhigan karayn, sababo la xidhiidhay dhinaca cimilada awgeed oo ay dul hogonaysay xilligaas ceeryaan badan gagada diyaaradaha caasimadda London ee dalka Ingiriiska.

Waxa aanu duulimaad hoose hawada ku wareegnaba, saacado ka dib, ayey ku guuleysteen inay si nabad-galyo ah u soo cago dhigaan hagayaashii gagada diyaaradaha (London City Airport) caasimada London ee Dalka Ingriiska.

Maalin waliba xusuus mudane, waxa iigu darnayd safarkaygii labaad, markii wadihii diyaaradii aanu saarnayn uu geeriyooday, waxa la wareegay wadihii labaad ee diyaaradaas, ka dib, waxa u furmi waayey tayiradii diyaarada markii aanu ku soo dhawaanay gagada diyaaraduhu ka haadaan (O. R. Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa.
Dhowr saacadood ka dib, ayey guuleysteen badbaadada diyaaradii aanu saarnayn diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka south afrika, kuwaasoo ku hagayey, kuna dhiiri galinayey wadaha diyaaradaas inuu taayir la’aan ku soo fadhiisiiyo gagada diyaadaha, taasoo markii ay soo cago dhigatayna taayiradii u soo baxeen.

Safarkaygii saddexaadna, anigoo dareensan cabsi badan waxaan diyaarad u raacay caasimada Paris ee dalka Faransiiska, muddadii aanu hawada sare ku jirnay ayaa mid ka mid shaqaalaha diyaaradaasi nagu wargaliyey in cilad farsamo ku timid afartii mishiin ee diyaaradaasi, sidaa awgeed, ay farsamo yaqaanadii diyaaradu ku hawlan yihiin hagaajiyta matooradaasi, ka dibna, muddo 15-minute, ayey ku helaan ciladii ku timid mishiinadii diyaaradaas.

Haddana, mar kale ayey nagu wargalisay shaqaalihii diyaaradaas oo ay yidhaahdeen: mudanayaal iyo marooyiba, rakaabka sharafta muddanow, suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka cimiladuna waxa uu marayaa 40-centigrade, sidaa awgeed, waxa innala soo darsay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad iyo wadihii labaad ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer, nasiib darro markii aanu isku daynay inaanu toosinana, way noo suura galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada.

Waxaanu ashaahaadanab habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas, kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gagada diyaaradaha ee Charles de Gaulle international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.

Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safaro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa aan ogaaday, in sirta dahsooni tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto iyo qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.

Waxa kale oo aan ogaaday inay tahay qaybta hore ee maskaxada Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda, halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha (Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka, kuwaasoo, ka illaaliya inuu kululaado mishiinka markabku, waanay leexiyaan, waxa kale, oo ay ku kordhiyaan ama ay ka dhimaan xawaaraha uu ku socdo markabku.

Haddana, dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay marayaan, waxa ay la socdaan amarada la faro oo kaliya, laakiinse, haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu ka khaldamo naakhuudaha qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, oo uu ka soo hor baxo shacaabi.

Dadkaasi waxa ay wada aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii, waxaana isaga la gudboon oo khasab ku ah inuu ogaado waxa uu qabanaayo waxa ay tahay, nasiib darro’se, waxay iigu naxdin badneyd, markii aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn, isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.

Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii naakhuudahaasi uu sii joogteeyo inuu ka soo dego gurada sare ee markabkaasi, halis ugu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday markabkaasi, waxa muhiim ah marka aynu dooneyno wax ka badelka xaaladda jirta, waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso