Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska oo kulan soo dhaweyn iyo xog-wareysi ah la yeelatay Safiirka Imaraadka ee Somaliland

Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Birmingham iyo nawaaxigeeda ayaa kulan isugu jiray soo dhaweyn iyo xog-wareysi la yeeshay Safiirka Imaraadka ee Somaliland Ambasador : Baashe Cawil xaaji Cumar. Xafladda ayaa ahayd mid aan weli nooceedda oo kale hore uga dhicin Dalka Ingiriiska oo loo sameeyo masuul sare oo ka tirsan Somaliland. taasi oo laga jeediyey khudbado kala duwan. siiba Xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland Ingiriiska oo kulankaasi ka hadlay , isla-markaana si weyn u soo dhaweeyey aad u amaanay kulanka ay la yeesheen Safiir Baashe Cawil xaaji Cumar, Waxayna ballan-qaadeen dhinacoodda inay diyaar u yihiin ka shaqeynta Horumarka Somaliland. 

Kulanka jaaliyada iyo safiirka oo ka dhacay huteel ku yaalla magaalada Birmingham ayaa Amb. Baashe Cawil ka waramay Xaaladda wadankii Iyo  hawlaha dowladda Imaraadka ee horumarineed ee ka socda dalka iyo dhinacyada ay ka kooban tahayba.

Ambasador Baashe. Ayaa mahad celin ka-dib warbixin guud siiyay xubnihii Jaaliyadda ee kulanka ka soo xaadiray. Isagoo sheegay in iskaashiga Somaliland ka hesho wadammada caalamka ay sannadihii ugu dambeeyey ay ku soo biireen dalal ay Imaaraadka Carabta ka mid yihiin. waxayna Imaraadku ilaa iminka ka fuliyeen ayuu yidhi. Jamhuuriyadda S/land mashaariic badan halka ay qaarna weli wadaan. kuwaasi oo la taaban karo oo koob-sanaaya Horumarka S/land Gaar ahaana : dhinacyada Wax-barashada, Caafimaadka, Biyaha Iyo Kuwa kaabayaasha Dalka ah oo ay ka fuliyeen deegaamo kala gedisan oo dalka Somaliland ah, kuwo kalena ay diyaar yihiin bilowgooddu.

Isagoo aad ugu dheeraaday Ambasador Baashe Cawil : Heshiiskii dhex-maray shirkada DP World iyo Somaliland ee casriyeyta dekedda magaaladda Berbera oo noqonaaya kii ugu balaadhnaa abid ee maalgashi Caalamiya oo ay somaliland gasho tan iyo rubuc qarnigii ay la soo noqotay madax-banaanideeda, waana dariiq cusub oo u furmay ayuu yidhi amb.Cawil maalgashiga dibadeed oo dalka horumarkiisa dadka Somaliland-na anfaci-doona.

Wuxuu Kaloo Hadalkiisa Ku Daray In Qurbo-Joogta S/land ay markasta maskax  iyo muruqba la mideeyo iyo sidii horumarka Dalka looga wada shaqayn lahaa 

Wuxuuna Tilmaamay In Loo Baahan-yahay, In Laga Gudbo wax kasta oo keeni kara dibu-dhac iyo Kala Qaybsanaanta.

Jaaliyada Somaliland ee Magaaladda Birmingham ayaa sidoo kale si weyn u amaantay kaalinta iyo dedaaladda Safiirka Imaaraadka Carabtu ku lahaa inuu hirgalo heshiiskii weynaa ee dhexmaray shirkadda DP World iyo Somaliland ee casriyeynta dekedda magaaladda Berbera,

Isku soo wada xooriyoo:  Xafladdii Xaleyto oo ay Buux- Dhaafiyeen Qurbajoogta Ingiriiska . kana dhacday Hool ku yaalla magaaladda Birmingham. Taasoo Muujisey Sida qadarinta iyo Jaceylka Ay U Qabaan jaaliyadda Somaliland Ambasador Baashe Cawil xaaji Cumar.  

Ugu danbeyn: Amb. Baashe Cawil  ayaa xalay su’aalo lagu weydiiyay kulanka ka dhacay Xarunta caasimadda labaad ee ingiriiska B.ham . Iyadoo uu safiirku dhamaantood Si Cilmiyeysan Uga Jawaabay Su’aalahaasi badan ee La Weydiiyey.  Waxaanay Xafladdu Ku Soo Dhamaatay Guul Iyo Farxad 

Kulankan oo ka dhacay magaalada Birmingham oo ah magaalo madaxda labaad ee Ingiriiska ayaa ahaa kulan xiiso gooni u lahaa Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska .

Adan Yusuf Elmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso