Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qaaradda Yurub”


Brussels, May, 04, 2018—- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qaaradda Yurub.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa masuuliyiinta ka socotay qaar kamid ah jaaliyadaha Soomaaliya ee dalalka Yurub waxa uu la yeeshay kulamo kala duwan iyada oo qodobada looga hadlay ay u badnaayeen is xog-wareysi iyo sida Qurba-joogtu ay uga qeyb qaadan karaan horumarka balaaran ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.

Kulamada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay fatahaadaha ka jira qeybo kamid ah dalka iyo sida gurmadka socda ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Kulamada intii ay socdeen ayaa masuuliyiinta hogaamineysay qurba-joogta kulamada la qaatay Ra’iisul wasaare Kheye waxa ay aad u amaaneen dadaallada dowladda ee ku aadan sidii Soomaaliya ay usoo ceshan laheyd sharafka iyo Karaamaha ay ku laheyd dunida inteeda kale, iyaga oo dhanka kale sheegay in ay gacan ka geysanayaan gurmadka loogu jiro gargaaridda kumanaanka qoys ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobabka iyo wabiyada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso