Xasuustayda Weedho Kooban Oo AHN.Maxamed Nuur Giriig Ka Yidhi Sahra Axmed Jaamac: Q.2aad…

Maxamed Nuur Giriig AHN Oo Giriig Waa Naanays’e Magaciisa Oo Dhammaysi Ahaa Maxamed Nuur Xasan, Waxa Xilligaasi Mid Ka Mid Ah Asxaabtii Markaasi Aanu Wada Fadhinay Oo Haatan Aanan Xasuusan Karin kan Uu Ahaa, Uu Sheekadii Guud Ee Uu Noo Waday Fannaanku, Uu si doc-wareen ah u soo Dhex Geliyay Su’aal u dhacaysay “ma dhabbaa in fannaanada kula qaadda  Heesta  Qadra, ay tahay sahra axmed? isagoo ku sababeeyay su’aashiisa, inaan sawtka fannaanada la moodin codkii sahra axmed,(Maahee Qadraay Qiimiga Kalgacal Ee Quruxda Badan Maad Ila Qorshayn) intaasi Kadib Maxamed Nuur Giriig AHN Waxa Sheekadii Uu Waday Ay Ula Weecatay Ka Hadalka  Heestaasi Qadra Iyo Fannaanada La Qaadda Ee Sahra Axmed Jaamac.

Waxa Uu Tilmaamay In Isaga Ay Wada Qaadeen Labadii Heesood Ee Ugu Horreeyay ee ay ku luuqayso sahra axmed AHN, Heestaasi Qadrina Ay Tahay Heestii 2aad Ee Tirsiga Heesaha U Xerooday Idaacadaha Ee Ay Qaadday Intii Ay Bahda Fanka  Ku soo Biirtay ,Taasi Oo Uu Midhaheeda Curiyay Hal-Abuurka Jaamac Saleebaan Tubeec.

Jaamac Saleebaan Tubeec:(waa fannaan ay walaalo yihiin AHN hoobalkii maxamed saleebaan Badiyaana Ku Luuqeeya amba Lagu Yaqaanno Qasiidooyinka Nebi Ammaanka Ah Iyo Kuwa La Halmaala Ee waanada diiniga Ah,halka uu geesta kalena ka yahay hal-abuur ay maskaxdiisa kasoo maaxdeen heeso badan oo ka mid ah heesaha aadka u caan baxay ee ay qaadaan walaakii maxamed iyo qaar ka mid ah hoboladii waaweynaa ee waaberi, sida heesta “iska daasha-daashood dhulkaagoo I dishaye walaal haygu diganin oo uu qaado fannaankii AHN Cumar dhuule In kastoo laga yaabo in jiilasha danbe iyaguna heestan ku maqleen fanaanka la yidhaa Siidii cali),

 jaamac saleebaan waxa uu ku dhashay weligii iyo haatanba Deggan yahay Magaalada Berbera.

Aan ku soo laabanno mawduuca’e, Maxamed Nuur Giriig Oo AHN Sheekadii Sii Wadaa, Waxa Uu Tibaaxay In Heestaasi  Qadra Iyo Hees Ka Horraysay Oo La Yidhaahdo Wacad Oo Bilow U Ahayd Fankeeda Amaba Heesteedii Koowaad, Ay Isaga Iyo Sahri Wada Qaadeen Wakhti Ku Beegan Sannadii 1968-Kii, Heestan Ereyadeedu Waxay U Dhacayeen Sidan:

Orod Iyo Ayaan Baa

Aadmiga Is Dhaafshee

Haddaad Tahay Aqoon Mid Leh

Anna Ku Anbin Maayee

Mana Iisho

Mana Oodmo

Allah Nimuu Kal Kaashaa

Ha Irdhoobin Adiguna

Lama Amar Darraadee

Anigana Awoodliyo

Hayga Dhigin Aqoon-Gaab

******************

Inan Yahay Ilwaad Qurux

Iyo Dumar Ammaantiis

Waxaa Tahay Ilaaahay

Idil Miduu Ku Kooboo

Iin Ma Lihid

Eed Ma Lihid

Sidan Aan Arkaayee

Dadna Ruux Ku Aaminay

Iyo Wacad Ilaahay

Midna Lama Illaawee

Ha Halaynin Aayaha..

**************

Tala Maaha Aadmigu

Tuu Uur- Jeclaystaa

Hadba Waa Ilaahay

Arrinkuu Hir Geliyaa

Ha I Odhanin

Hana Eegin

Inaan Kaa Abaal Dhaco

Ha Irdhoobin Adiguna

Lama Amar Darraadee

Anigana Awood Liyo

Hayga Dhigin Aqoon-Gaab

*******************

Inanyohow Asaaggaa,

Adna Waad U Sidataa

Waxaa Tahay Il Doogliyo

Ubax Soo Baxaayee

Eegmadaada

Indhahaygu

Alaylehe Jeclaystee

Ha Irdhoobin Adiguna

Lama Amar Darraadee

Aniga Awoodliyo

Hayga Dhigin Aqoon- Gaab

 

labadaasi heesood Waxay Sabab U ahaayeen  Buu yidhi Mngiriig In Bahdii Fannaaniinta Khaasatan Hal-Abuuradii Curin Jiray Midhaha Ee Wakhtigaasi Ku Baraarugaan Codka Toolmoon Ee Fannaanada Sahra Axmed, Halka Mid Kasta Oo Ka Mid Ah Raggii Ku Jiray Fanka Ay Iyana Aad U Jeclaysteen Inay Kula Luuqayso Ama La Wadaagto Heesaha.

Waxa Uu Tilmaamay AHN Maxamed Nuur Giriig In Wakhtigan Sahra Da’adeedu Ay Aad U Yarayd Hillaadiina Uu Ku Qiyaasi Karayay 16-17 Sanno,Sidaasi Awgeed Ay Labadan Heesood Kalsooni Buuxda Ka Siiyeen Sahra, Fannaanintii Kale Iyo Abwaanadii, Maadaama Heesuhu Si Live Ah U Tegayeen Masraxa Kolka Ay Qayb Ka Yihiin Riwaayadaha, Waxaanay Muujiyeen Buu Yidhi Ka Sokow Da’adaasi Aadka U Yarayd, Heerka Masuuliyadeed Iyo Faneed Ee Aadka U Sarreeyay  Ee AHN Sahra Axmed Jaamac.

Intaasi Kadib Waxa Ay Markiiba Kaalin muuqata Ka Qaadatay Jiliddii Riwaayadaha Sida Riwaayad Soo Baxday Sannadkaasi 1968kii Oo Uu Sameeyay Abwaanka Axmed Saleebaan Bidde,Taasi Oo Magaceeda La Odhan Jiray (Garashaa Garab Weyday Had’se Mooyi La Gaadhi), Tani Waa Riwaayad In Kastoo Sahra Axmed Markan Doorkeedu Ahaa Dhanka Jilidda Sheekada Riwaayadda, Hadana Heesihii Ku Jiray Kollay Lagu Xasuusan Karo Kuwo Ay Wada Qaadaan AHN Maxamed Yuusuf Cabdi Iyo Faadumo-Maandeeq Oo Ay ka mid Tahay Heesta”Hogol Weeye Mana Hoorto Hillaacana Ma Deysee”,Iyo Sidoo Kale Heesta Ay Ku Luuqayso faadumo-Maandeeq Ee (Dadka Waa La Nooloow Oo Nabad Ahaada,Ama Waa Ka Nooloow Oo Nacab Ahaadee).

Waxa Uu Sheegay AHN Maxamed Nuur Giriig In Isaga Gadaashiis, Hoobalkii 2aad Ee Ay Sahra Axmed La Heestaa Uu Ahaa Fannaan La Odhan Jiray Aadan Hurre, Kaasi Oo Ay Heeso Aad U Qurux Badan Oo Aan Ka Dhicin Kuwaasi Hore Wada Qaadeen,Kana Mid Ahayd Heesta ”Ha I Jebineh Iga Joog, Aynu Labada Juuqdaba Kala Jara Ahaannee”.

Waxay Wakhti Yar Oo Kooban Gudahood-Ba, Sahri Noqotay Buu Yidhi Mid Ka Mid Ah Gabdhihii Hormoodka U Ahaa Fanka Ee Hoggaamin Jiray Riwaayadaha.

Halkaa marka aan kaga soo tagno tibaaxdaasi koobane AHN maxamed nuur giriig,  riwaayado aad u tira badan oo ka mid ahaa kuwii ugu caansanaa riwaayadihii ay masraxyada kusoo bandhigeen hoobaladii waaberi kaalinta hoggaamineedna ay ku lahayd AHN Sahra axmed jaamac waxa ka mid ahaa:………….. La soco Q.3aad Haddii allah yidhaa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso