Muxuu yahay qorsha-hawleedka hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland??

Inta aan ka xasuusto, Wasaaradii Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyada Somaliland waxa soo maray 7 Wasiir oo kala wakhti dheeraa, kala Xisbi duwanaa, isla markaana kala khibrad badnaa balse ka mideysnaa horumarinta aviationka Somaliland.

 

Markii talada dalka loo doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu meesha ka saaray Wasaaradii Duulista isaga oo ka dhigay hay`ad madax banaan oo loo bixiyey “Hayada Duulista iyo Madaarada”. Abuuritaanka hay`ad madaxbanaan oo u gaar ah aviationka oo dalku yeeshaa waxay ahayd talaabo sax ah oo waafaqsan sida ay dalalka aduunyadu u dhistaan hay`adahooda qaabilsan duulimaadyada madaniga ah sida hay`ada Civil Aviation Authority (CAA) ee ka dhisan dalka Ingiriiska (United Kingdom), Federal Adminstration Authority (FAA) oo ka dhisan dalka Maraykanka (United States of America), Ethiopian Civil Aviation Authority (ECAA) oo ka jirta dalka Itoobiya (Ethiopia) iyo Kenya Civil Aviation Authority (KCAA) oo ka dhisan dalka Kiiniya (Kenya).

 

Madaxweyne Muuse waxa uu hay`adaa cusub ee Duulista iyo Madaarada u magacaabay Cabdi Maxamed Rodol oo ka mid ahaa dhalinyaradii lagu asaasay, isla markaana tiir dhexaadka u noqday shirkadii diyaaradaha ee Somali Airlines ilaa uu ka gaadhay Chief Pilot. Chiefku waxa kale oo uu Duuliye ahaan ugu shaqeeyey shirkada diyaaradaha ee dalka Saudi Arabia ee loo yaqaan Saudi Arabian Airlines.

 

Shakhsiyan, waxaan ka mid ahaa dadka sida weyn ugu farxay magacaabida Chiefka, aniga oo filayey inuu wax badan ku soo kordhin doono Aviationka Somaliland maadaama uu khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leeyahay hawlaha duulimaadyada madaniga ah.

 

Hadaba, shirkii jaraaid ee ugu horeeyey ee Maareeyuhu qabtaa waxa uu ahaa bishii December 2017, kaas oo guud ahaanba qaatay 6 daqiiqadood. Maareeyuhu waxa uu akhriyey warbixin qaadatay 2 daqiiqo iyo 10 ilbidhiqsi isaga ku celceliyey erayadii iyo hadaladii ay horeba u odhan jireen Masuuliyiintii Wasaaradii Duulista, kumanay jirin wax cusub, waxaanay ahayd falcelin (reaction) ku wajahan Somaliya oo sheegtay in lagu soo wareejinayo Maamulka Hawada. Maareeyuhu waxa uu iska xidhay su`aalo dhowr ah oo Saxafiyiintu waydiiyeen si degdeg ahna wuxuu u soo gebogebeeyey shirkii Jaraa`id! Sidaa daraadeed, fursadaasi may noqon mid uu Maareeyuhu ugu sharaxo bulshada qorshaha hayada ee muddada dhow, dhexe ama fogba waxaanay noqotay fursad luntay (missed opportunity).

 

Muuqashadii xigtay (public appearance)  waxa uu Maareeyuhu kulan la qaatay Guddiga Daba-galka Musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada Somaliland, kulankaas oo markii uu soo idlaaday aanuu wax warbixin ah ka bixin Maareeyuhu ujeedada loogu yeedhay iyo wixii laga wada hadlay midnaba, isaga oo Wariyayaashii u sheegay inay gudiga toos u weydiiyaan suaalaha ay isaga ku boobeen. Hadaba, inkasta oo gudidu sharaxday sababta ay ugu yeedheen Maareeyaha hadana waxay ku haboonayd inuu Maareeyuhu ka warbixiyo Hayada uu masuulka ka yahay mase dhicin, taasina waxay ahayd fursad kale oo ka luntay Maareeyaha!

 

Ilaa maanta oo laga joogo 4 bilood iyo dheeraad markii la magacaabay Maareeyaha, ishaydu may qaban, manaan maqlin qorshe iyo higsi mudada dhow/dhexe/fog la xidhiidha oo uu soo bandhigay Maareeyuhu. Sidaa daraadeed, aniga oo ka mid ah dadka aad iyo aad u jecel horumarka Aviationka Somaliland, waxaan is weydiiyey:

Maxaa cusub ee uu Maareeyuhu ku soo kordhiyey Hayada duulista iyo Madaarada Somaliland?

Maxaa Maareeyaha laga filan karaa mustaqbalka inuu ka badalo Aviationka Somaliland?

Mudadaa kooban ee Maareeyuhu xilka hayey ma tahay muddo ku filan in lagu qiimeeyo waxqabadkiisa, kartidiisa, maamulkiisa, hogaamintiisa iyo hanaankiisa shaqoba?

Ma isla jaan-qaadi karaan Maareeyaha oo ah Nin weyn oo waayo arag ah iyo dhalinyarada da` yarta ah ee ay shaqadu ka dhaxaysaa?

 

Marka laga yimaado su`aalahaa aan is weydiiyey, sida xaqiiqada ah ha`yada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland waxa horyaala hawlo waaweyn oo u baahan in si aqoon iyo waayo aragnimoba ku jirto loo maareeyo loona waajaho. Bal aan wax yar ka tilmaamo.

 

Dadaalka ay dawlada Federalka Somaliya ugu jirto la soo wareegida Maamulka Hawadu waa mid aan kala joogsi lahayn tan iyo 2010kii. Aniga oo ogsoon in Wasaarada arimaha dibeda ee Somaliland ay hawshaa iyadu ku jirto, hadana cida sida ay sida tooska ah u khuseysaa waa hayada duulista iyo Madaarada ee maxaa uga meel yaala arinkaa? Ma jiraa qorshe cilmiyeysan oo hordeg ah (proactive) oo hayadu ugu talogashay inay ku wajahdo Somaliya? Maxaa hayada u diyaarsan tab iyo xeelad haddiiba ay dhacdo (worst case scenario) in Somaliya si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka hawada?  Ma haboon tahay inay Hayadu ka gudubto siyaasada ku dhisan falcelinta (reaction) taas oo caado noqotay mar kasta oo dhinaca Somaliya arrin maamulka hawada ku saabsani ka soo yeedho, una gudubto talaabo hormuudnimo ah –take the lead ( المبادرة زمام أخذ?

 

Si loo buuxiyo dhamaanba xeerarka hay`ada caalamiga ah ee qaabilsan duulimaadyada madaniga ah (International Civil Aviation Authority-ICAO) ay ku waajibisay hay`ad kasta oo qaabilsan duulimaadyada rayidka ah oo dal leeyahay (National Civil Aviation Authorities), waxa lagama maarmaan ah in hay`ada duulista iyo madaarada Somaliland dusha u ridato masuuliyadaa oo ka shaqayso ugu horayn sidii ay u curin lahayd xeer cusub oo la jaanqaadaya Aviationka maanta amaba wax ka bedel weyn ku sameyso xeerkii hore ee Wasiir Maxamuud Xaashi isku qiyaasay. Jiritaanka xeer noocan ahi waxa uu suurtogalinayaa in hay`adu ay rukhsado (licence) la tixgeliyo siin karto shirkado diyaaradeed oo wadani ah (Air Operator Certificate) duuliyayaasha (Pilots), farsamoyaqaanada (Engineers), hagayaasha diyaaradaha (Air Traffic Controllers), shaqaalaha gudaha diyaaradaha (Cabin Crew) , amba-bixiyayaasha diyaaradaha (Dispatchers) iyo garoomada diyaaradaha (Airports) laftigooda. Hadaba hawshani ma ku jirtaa qorshaha hayada ee mudada dhow ama dhexe?

 

Shaqo badan ayaa laga qabtay Madaarka Hargeisa haddii ay tahay qolof-ridka (resurfacing) iyo dheereynta (extension) dhabaha diyaaradaha (runway) iyo kordhinta dhismayaal cusub (Terminals) labadaba. Hase yeeshee, dhismayaashu weli waa cidhiidhi oo waxaad dareemaysaa xuurtoon marka laba diyaaradood oo dad qaadayaa ku kulmaan. Dhabaha laftiisu malaha qalabka sahla in diyaaraduhu soo fadhiistaan wakhtiyada aragtidu xun tahay (Poor visibility) ee loo yaqaano Instrument Landing Systems. Nidaamka Laydhadhka ee dhabuhu ma dhamaystrirna waxaana loo baahan yahay Approach Lighting System (ALC), sidoo kale calaamadaha dhabaha (runway sign), dhinacyadooda iyo guud ahaanba garoonka ee loogu talo galay inay tilmaamaan duuliyayaashu ma jiraan. Garoonku malaha qalabka lagu guro shandadaha (Baggage Conveyor Belt) ee lagu soo gaadhsiiyo dhismaha soo degitaanka (Arrival) amaba lagu geeyo dhinaca kale ee dhismaha (Airside) si diyaarada loogu raro. Goobaha ay istaagaan diyaaraduhu markay soo fadhiistaan (Parking/Stand/Apron) ee laga raacaa kuma filna diyaaradaha waxaanay u baahan tahay balaadhin. Dhamaan hawlahaa maxaa hay`ada uga qorshaysan?

 

Tababarida shaqaalaha hayada/garoomada iyo kor u qaadida xirfadooda shaqo, hubinta badqabka (safety) shaqaalaha, dhoofayaasha, diyaaradaha iyo guud ahaanba garoonka oo uu ugu horeeyo dhabaha diyaaraduhu ka haadaan (Runway safety) waa arrin muhiimada koowaad leh. Sidoo kale, kor u qaadida amniga (Security) airportyada Somaliland, gaar ahaana ka caasimada, curinta iyo qalabaynta waaxda saadaasha hawada ee garoonka (Meteorological Services), hubinta fayoqabka diyaaradaha isticmaala garoonka (Airworthines), qalabaynta waaxda hagida diyaaradaha (Air Traffic Control Towers), Rakibida qalabyada kala duwan ee caawiya duuliyayaasha diyaaradaha marka ay soo dagayaan ee loo yaqaan Navigational Aids NAVAIDS, Iyo dhamaanba hawlaha iyo qalabka farsamo ee lagu horumarinayo aviationka Somaliland ee looga baahan yahay garoomada Somaliland, gaar ahaana garoonka caasimada, maxaa hay`ada duulista iyo madaarada Somaliland uga meel yaala?

 

War la helyaaba talo la hel, xog la helyaaba go`aan sax ah la qaadaye, xogta (Data) rakaabka (Passengers), alaabta (Cargo/Freight) iyo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha (Aircraft Movement) ee garoomada Somaliland, gaar ahaana garoonka caasimada oo si joogto ah loo ururiyaa waxay sahlaysaa in lala socdo korodhka ama hoos u dhaca ku yimaada rakaabka, alaabta iyo socodka diyaaradahaba, taas oo noqon karta xog sugan oo lagu salayn karo go`aamo muhiim ah. Tusaale ahaan, shirkadaha diyaaradaha ee raba inay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland, marka ugu horeysaba waxay u baahanayaan inay helaan/ogaadaan/isha saaraan xogta dhoofayaasha (passenger data) si ay u qiyaasaan baahida safar ee dalka (air travel demand). Aan sii jilciyee, inaad ogaato tirada/nooca dadka rakaabka ah ee isticmaala garoonku waxay saldhig u tahay qorshaynta shaqooyinka iyo adeegyada garoonka sida jaangoynta tirada goobaha hubinta tigidhada dhoofayaasha (check in desks/counters), tirada albaabada loo sii maro diyaarada (departure gates), baaxada dhismaha (terminal), tirada goobaha lagu nafiso (toilets) rag iyo dumar ee loo baahan karo, xadiga qalabka lagu qaado dadka waayeeelka ah (Ambulift/wheelchairs), baahida loo qabi karo goobo caruurtu ku ciyaaraan wakhtiga ay ku jiraan garoonka, suurtogalnimada in la sameeyo goobo dadka ganacsatada (business) ahi ku nastaan, mawlacyada salaada (prayer rooms) rag iyo dumarba iwm. Ku darsoo, ogaanshaha jihada iyo halka ay ka yimaadaan dadka ugu badani, nooca passporada ay sitaan ama jinsiyadooda, wakhtiyada uu ugu dad badan yahay garoonku iwm iyana waa qayb ka mid ah xogta muhiimka ah ee loo baahan yahay in la ururiyo lana kaydiyo. Iyada oo kooban, qabashada dhamaanba adeegyada garoon diyaaraeed fuliyo waxa asal u ah xogta la ururiyo ee ka dibna lagu go`aan qaato. Hadaba, hay`ada duulistu ma dhaxashay xog noocan ah oo la ururiyey iyaduse ma ururisaa xogtaa?? haddiise aan hadda la ururin hay`adu ma ku talojirtaa inay ururiso mustaqbalka dhow?

 

Maadaama tirada dhoofayaashu (Passengers) kordhayso sannadba sannadka ka dambeeya, isla markaana diyaarado badani hadda Somaliland duulimaadyo ku yimaadaan, mustaqbalkana la filayo kuwo kale, hay`ada duulistu ma samaysay ama ma ku talojirtaa inay samayso saadaalin (forecast) lagu sameeyo tirada rakaabka la filayo inay isticmaalaan garoomada Somaliland, gaar ahaana garoonka caasimada 10ka iyo 20ka sanno ee soo socda si loo sii qorsheeyo baahida Shaqaale, aqooneed, Dhisme iyo Qalab ee loo baahan karo mudadaas.

 

Xidhiidho shaqo oo heer gobol iyo caalamiba ah inay hay`adu la yeelato cida ay xukunto iyo cida ay shaqadu ka dhaxaysaa waa muhiim, hadaba hayadu xidhiidh noocma ah amaba intee leeg ayey la leedahay hay`ada caalamiga ah ee duulimaadyada madaniga ah (ICAO), shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala garoomada Somaliland iyo sidoo kale hayadaha qaabilsan duulimaadyada madaniga ah ee ka dhisan geeska Afrika sida Ethiopian Civil Aviation Authority (ECAA) iyo Kenya Civil Aviation Authority?

 

Dalka Somaliland waxa ku yaala garoomo diyaaradeed oo kala duwan, qaarkoodna muddo dheer aanay shaqaynin. Hadaba iyada oo maanka lagu hayo faaiidooyinka ay garoomadaasi dalka iyo dadkaba u leeyihiin amaba soo kordhin karaan haddii ay shaqeeyaan sida fududaynta isu socodka dadka/alaabta, dakhli u soo xareynta dawlada iyo kobcinta dhaqaalaha magaalooyinka ay ku yaalaan, maxaa hay`ada duulista uga meel yaala sidii dib loogu dhisi/furi/camiri lahaa garoomadaa aan hadda shaqaynin? Mase jiraa qorshe (plan) iyo higsi (Strategy) ay hayadu ugu talogashay garoomadaa 10ka, 20ka iyo 30ka sanno ee socda?

 

Dhinaca kale, garoonka diyaaradaha ee Berbera waxa dhowaan xukuumadu sheegtay inay ku wareejisay dawlada Midowga Imaaraatka Carabta (UAE) oo saldhig milatery ka dhiganaysa. Muxuu yahay doorka hayada duulista iyo madaarada ee ku wajahan arinkaasi? Ma jiraan wareegtooyin ama ogaysiin duuliye (Note to Air Men-NOTAM) ka soo baxay hay`ada oo sheegaysa in garoonkaa Berbera hadda laga bilaabo yahay garoon u khaas ah militaryga oo aan shaqo ku lahayn duulimaadyada rayidka ah? Ma haboon tahay inay hayadu cadayso inay suurtogal tahay iyo in kale in garoonkaa Berbera uu noqon karo mid ay wada isticmaali karaan diyaaradaha militaryga iyo kuwa shicibka (joint civilian military) sida ka Djibouti oo kale?

 

Arrimahaa aan ka soo sheekeeyey waa su`aalo aan u dhigay hab wacyigelin iyo baraarujin ah oo ku wajahan hay`ada duulista iyo madaarada Somaliland. Hawlo badan oo aan halkan ku xusay, sida xog ururinta oo kale, garoomada diyaaradaha ee caalamka badankoodu iyaga ayaa sameeya maadaama ay yihiin kuwo si gaar ah loo leeyahay ama maamulo (private), balse mar haddii dhamaanba garoomada Somaliland ay dawladu leedahay, cida u xilsaarana ay tahay hayada duulista iyo madaarada, idilkoodba arimahaa aan soo sheegay waxa looga fadhiyaa inay qabato hayada duulista iyo madaarada Somaliland. Dabcan, Somaliland weli ictiraaf caalami ah ma haysato, balse maanta wax aad qabsan karayso ma qumana inaad ictiraafka berri ku xidho! Guul baan u rajeynayaa hay`ada Duulista iyo Madaarada Somaliland.

 

Qalinkii: Cabdikariim Cali Baarjeex

MSc, MA, BSc, Dip

Aviation Consultant

abdikarimwais@gmail.com

www.eastafricaaviationconsultants.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso