Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Boqor Cismaan Buur-madow

Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Boqor Cismaan Buur-madow

Waxaa beryahan soo shaac-baxday faraqa iyo arigtiyaha siyaasadeed ee kala duwan ee Somaliland ka bixinaysey xadhiga Boqor Cismaan Buur-madow , waxaadna moodaa in laysula soo baxay Shaadh siyaasad loo soo Galiyay qabyaaladii la is ilowsiinayey oo hadda laysu cadeystay Iyo Hadalo is Burinaya oo Soo Baxaayey.

Hadaba anigoo aan doonayn inaan u baydho in Boqor Cismaan dambiile yahay iyo inuu dulmane yahay midna bal aan mid yar idin xasuusiyo dhinacyadda hadaladda saxaafadda marinaayey . kuwaasi ka hadlay xadhiga Boqorka. isuguna jirey madax-dhaqameed. siyaasiyiin iyo xildhibaano. oo iyagu taageersan in ciqaab la mariyo Boqorka , waxay ku dooddayaan inuu meel uu kaga dhacay Qaranimada S/land.

Markaan u soo noqdo qolyahaa tageersan aragtidaa ay wataan markii horena hala soo xidho lahaa Boqor Cismaan, hadii hadafka ay u weerarayaan uu yahay waxuu tageeray kulmiye oo waa uu naga hiilayey. iyagoo indhaha ka qarsaday xadgudubyadda sharci iyo qaniinyo siyaayadeed ee jirtay . taasi oo ay dareensan yihiin.

Si kasta ha ahatee Asxaabtaa ujeedo badanta ah. waxaan idiin leeyahay: Boqorku hadduu danbi Galay Sifaha Sharcigu u ogolyahay in la raaco ayey ahayd , waana xaq aasaasi ah oo ay tahay in la ilaaliyo.Hadii taas laga baydho cidda ku xidhantahay ayaa ku geftay sharciga oo ay tahay in la ciqaabo. laakiin Arinku yaanu idinka noqonin mid ah. Waa lays muujiyaa . waa laga faaideystaa ama wax baa la iska sheegaa, laakiin waa inay xaqiiqadu tahay, waxaa aad ka hadlaysaa . inay ahaato mid la taaban-karo.

Haddii ay umaddu sharciga ixtiraami weydo oo ay kolba doc ka faruuraan waa cawaaqib xumo iyagana ayeyna u taallaa. ka gacanta ku haya ee ogolaanaya in lagu gefo iyo ka gefka kula dhacaya midkoodna ma fayooba. Diinteena suubani waxay mar walba dhiiri-galisaa in qofku wixii uu naftiisa la jecel yahay uu walaalkiina la jeclaado. Taasi oo macnaheedu noqonayo hadaanad jeclayn in laguugu gefo in aanad ruux kalena la jeclaan in laysagana lagu gefo.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkan kooban ; cidda loo malaynayno inay ka dambaysey xadhiga Boqor Cismaan iyo in uu salka ku hayo siyaasad .

waxaan odhan lahaa. Doorashadii madaxtooyadda ee Madaxweyne Muuse Biixi ay Guushu Ku Raacday . Bulshadda waxay u Kala Qeybisay Laba qaybood oo Si Adag weliba Iskaga Soo Horjeedda. kuwaasi qaar ka midda weli qiiradooddu kacsan tahay.

Waxaan ku soo gunaanadi lahaa qoraalkan kooban in aynu dib isugu noqono oo aynu sharciga dhawrno si aynu ugu noolaano nolol tayo leh oo aynu ku-wada qanacno taasi oo aanay ku jirin. qaab sifaha qaldan iyo qaacido siyaasadeed oo ku shaqeynaysa dadka hadii aanad kala qaybin ma xukimi kartid.

Madaxweyne Muuse Biixi Waxaa looga baahan-yahay ama looga fadhiyaa wakhtigan Somaliland inay midowdo, madaama cadowgii s/land ee aynu is haynay ay mideysan-yihiin. Somaliland oo dhan baa Daawe wada saaran.Waxaanu leenahay waar Dadka halla mideeyo, Caqliga iyo Cilmiga ha shaqeeyo.

Adan Yusuf Elmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso