Ma la socotaa ciqaabta fal-dambiyeedka Aad Mutaysan karto UAE Haddii aad Gaadhiga Diir Muus Haash Sigaar ama Xanjo aad ka Tuurto Daaqada .. Fadlan Is Jir!!!


Darawalada qaarkood waxay ka tuuri karaan diir muus tusaale ahaan, ama waxay ka tuuri karaan haashka sigaarka ama quraarad daaqada baabuurtooda ama ilmo yar oo aan waalidkiis aanu dareensanayn inuu tuuro warqad, xanjo, ama waxyaalo kale ka tuuro daaqada gaadhiga.talaabadan haddii aad ku dhaqaaqdo “Wax yar ma ahan” dhammaanba UAE #, sharciga wada maristu waa uu cad yahay, waxaanad mutaysan kartaa ciqaab xadgudubkaas waxyeello u geysanaya deegaanka iyo nadaafadda.

Intii lagu guda jiray afar biloodka hore ee sanadkan, Booliska Abu Dhabi ayaa qabtay 85 darawal oo aan u hoggaansamin sharciga iyo tuurista wasakhda wadada guud,Darawal kasta oo xadgudbkan Sameeyayna waxa uu bixiyay 1,000 dirham waxaana Faylkooda amam malafkooda lagu qoray lix dhibcood oo madow.

“Bilayska Abu Dhabi ayaa sii wadi doona dadaalkooda ah in ay kor u qaadaan wacyigelinta baabuurta iyo dadka isticmaala wadooyinka iyaga oo ku boorinaya inay ka fogaadaan dabeecadaha waxyeelada u geysanaya deegaanka,” ayuu yidhi Brigadier Ahmed Al Shehhi, oo ah Ku xigeenka Agaasinka Gaadiidka iyo Ilaalinta ee Xarunta Hawlgalka Dhexe.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso