Ciyaaryahan Maxamed Salah oo siiya Mushahar Bile ah 450 qoysaska saboolka ah ee tuulada uu ka Soo Jeedo


Maher Anwar Ashtayeh, Gudoomiyaha Tuulada Najrij, kana soo jeedo Ciyaaryahan Mohamed Salah, oo ah xirfadle ka tirsan kooxda Liverpool, ayaa shaaca ka qaaday in Salah uu mushahar bil walba ah siiyo 450 qoys oo tuulada degan.

Wuxuu sheegay in ciyaaryahanku uu aasaasay hay’ad samafal ah oo la yidhaahdo Mohammed Salah Charity Association, oo uu maamulo Salah al-Bahnasi, oo xubin ka ah dadka tuulada degan, wuxuuna bixiyaa acmaasha Khayriga ah ee lasiiyo dadka tuulada, oo ay ku jiraan qaybinta mushahar Bile ah oo la siiyo 450 oo qoys.

Wuxuu intaa ku daray in qoysaskani ay ku jiraan dumarka Carmalka ah kuwa Agoomaha iyo Carrurta agoonta ah, isagoo sheegay inuu dhisayo dugsi hoose/Dhexe oo tuuladu leedahay kuna baxayso lacag dhan 8 milyan oo ginni, iyo Gaadhi ambalaas ah iyo qalabka neefsashada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaaryahanka uu bixiyay Camalo kale oo Khayri ah iyo tabarucaad kale oo uu diiday inuu shaaca ka qaado ama u sheego faahfaahintooda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso