Maxaynu Ka Baran Karnaa Mashaariicda Horumarineed Ee Waddanka Turkiga?

Turkiga oo ah waddan waayadan horumar dhinacyo badana gaadhay sida horumar dhaqaale, mid siyaasadeed, waxbarasho, bulsheed iyo milatariba ayaa wuxuu leeyahay hiigsi iyo himilo uu rabo inuu sanadka 2023 gaadho. Waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago mashaariic waawayn oo qaar ka mid ahi ay dadyawga siyaasada caalamaka falanqeeyaan ku tilmaameen riyo ay adag tahay inay rumawdo! Ase dawlada Turkigu ay rumaysay qaar ka mida mashaariicdaasi kuwa kalena qarka u saran tahyay inay xaqiijiso. hadaba waxaan halkan idinkula wadaagi lahaa mashaariicdaa kuwooda ugu waawayn uguna mudan:-

  • Garoonka Diyaarada ee Istanbul (Garoonka ugu wayn caalamka!) : Istanbul oo ah magaalada ugu wayn wadanka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 15 milyan oo qof ahna xarun ganacsi iyo baayacmushatari ayaa waxa laga dhisayaa garoon diyaaradeed oo cusub walaw ay hore u lahayd laba garoon oo kale (Atatürk Aiport iyo Sabiha Gokcen Aiport!). Garoonkan cusub oo waxa guud ahaan ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay 49 Bilyan oo doolar, waxaa hadda la dhamaystiray 75 %. Waxaa garoonkan loogu talagalay marka la dhamaystiro inuu u adeegi karo 200 oo Milyan oo qof sanadkii sidaana ku noqodo Airportka ugu wayn uguna mashquulka badan aduunka! Waxaanu awood u yeelan doonaa inay 114 diyaaradiid hal mar kasoo wada dagaan iyagoo mid waliba jiho gooni ah ka imanayso! Waxaanu maalintii u adeegii karaa ilaa 3000 oo flight! Waxaa ka shaqayn doona dad lagu qiyaasay 225,000 oo qof kaaga sii darane waxaa qorshaha ku jirta in la xidho labada Airport ee kale oo hada midi (Atatürk Aiport) uu kamid yahay garoomada aduunka ugu mashquulka badan.
  • Kanaalka Istanbul (Mashruuca waalida ah): Istanbul oo ah magaalo istaraatijiya una dhaxaysaa labada qaaradood ee Yurub iyo Aasiya ayaa waxay marin muhiim ah u tahay sidoo kale isku xidhka Badda Madaw (Black Sea) iyo Badda Midhatareeniyaanka (Mediterranean Sea) waayo waxay leedahay marin/kanaal yar oo la yidhaa Bosphorous Streat dhererkisu yahay 34 Km dhumuc ahaan 500 Mitir ah, waxaanu isku xidhaa badaha (Marmara iyo Badda Madaw), waxaanu kala qaybiyaa labada daamood ee magaalada. Hadaba Kanaalkan ayaa wuxuu yahay mid aad u cidhiidhaya oo saxmad badan waayo maalinkii waxaa mara ilaa 150 markab iyo doonyo waawayn oo xamuula oo shixnado waawayn sida sida gaasta dabiiciga ah, shidaal, saliid,   Waxaa sidoo kale kanaalkan mara dadyaw lagu qiyaasay ilaa hal milayan iyo badh maalinkii oo qaarkood magaalada labadeeda daamood isaga gudbayaan, kuwo dalxiisayaala oo magaalada usoo daawasho iyo tamashle tagay iyo sidoo kale dadyaw kaluumaysato ah oo kaluun-dabasho raba, waxaa kanaalkan yar dul mara sadex biriij, waxaana sidoo kale hoos mara khad tareen oo Marmaraay la yidhaa. Cidhiidhiga saaidka ah ee ka jira kanaalkan yar aawadeed ayaa waxa sanidihii u danbeeyay ka dhacay boqolaal shil maraakiib iyo doonyood. Hadaba si loo yareeyo cidhiidhiga ka jira kanaalkan, loona sii horumariyo dakhliga dhaqaale ee uu wadanka ugu fadhiyo ayay dawlada Turkigu waxay qorshahay inay samayso kanaal kale oo isla magaalada dhinaceeda yurub mara kaas oo dhererkiisu 48 Km yahay, dhumuc ahaanna 150 m ah, Qoto ahaana 25 mitir qodon, kasoo yeelan doonaa ilaa 6 biriij oo kanaalkan dul mara, waxaanu gaar u noqodoonaa siday madaxda Turkidu sheegeen maraakiibta iyo doonyaha waawayn ee sida shidaalka, gaasta, saliida iwm. Mashruucan oo lacag 10 bilyan ah ay ku baxayso ayaa mar uu madaxweyne Erdogan ka hadlayay mashruucan iyo mucjisooyinkiisa ayaa wuxuu yidhi “Waxaanu dhisaynaa kanaalkii qarniga, Kanaal aanay la tartami Karin kanaalada Panama, Suways iyo Karoonith (Cronith), waxaanu kanaalkan u samaynaynaa inaanu yarayno saxmada iyo cidhiidhiga Bosphorous kanaal” waxaa kale oo intaa ku daray “Turkigu waa uu u qalmaa inuu helo mashaariic sida kan u waawayn waalina ah (such a crazy and magnificent project), Istanbuulna waxay noqon doontaa magaalada kaliya ee caalamka leh laba badood” mashruucan oo siyaasiyiin Turki ah iyo kuwa caalami ahiba ku tilmaameen maalin riyood iyo waxaan dhici Karin ayaa  hada bilaw ah waxaana laga yaabaa inuu sanadaha soo socda dhamaado.
  • Khad tareen xawli ah (High speed railway) : waxaa xukuumada Erdogan u qorshaysan inay khad tareen oo aad u dhareeya oo dherer ahaan 10 kun oo kiiloomitir ah inay ka samayso badi magaaloyiinka waawayn ee wadanka iyagoo ay ugu mudan tahay khadka tareen ee isku xidhi doona magaalooyinka Ankara iyo Istanbul waayo waa labada magaalo ee dadka ugu badani iskaga kala gooshaan , Sanadkii hore waxaa labadan magaalo ee ugu wayn wadanka isaga kala gooshay dad lagu qiyaasay 17 Milyan oo qof. Mashruucani wuxuu noqon doona khadka tareen ee ugu wayn Yurub iyo ka Labaad ee aduunka. Kaliya khadka tareen ee Chine ayuun baa ka horeeya. Waxyaabaha cajiibkaa waxaa ka mida iyadoo dawlada Turkigu ka faaidaysanayso khibrada wadanka China u leeyahay samaynta tareenada aadka u dheereeya inay shirkad laga leeyahay wadankaas iyo laba shirkadood oo Turki ah ay ku shuraakoobeen mashruucan. Waxaana ku baxaysa mashruucan lacag dhan 45 bilyan oo doolar. Mashruucan oo hada qaybo ka mida la dhamaystiray waxaa la rajaynayaa inuu si rasmi u dhamaado sanadka 2023. Khadkan Tareen ee aad u dhareeya waxaa la rajaynayaa inuu sanadkii qaado dad kabadan 48 milyan oo qof (kala badh dadka ku nool wadanka!).
  • Xarunta caafimaad ee Bilkent (Xarunta caafimaad ee ugu wayn aduunka!):  waxaa sidoo kale dawlada turkiga u qorshaysan inay samayso Dhakhtarka ugu wayn aduunka marka laga eego xajmiga uu ku fadhiyo (1,129,289 million square-meters ) kaasoo yeelan doona 3,800 oo sariirood, 100 xarumo qaliin,  maalintiina u adeegi karaa 50,000 oo bukaan, oo 5000 oo kamidi ku sugan yihiin xaalad deg dega (Emergency situation), waxaana la rajaynayaa inay ilaa 8,000 oo shaqaale caafimad ahi ka shaqayn doonaan xaruntan, waxaa mashruucan ku baxaysa 1.3 bilyan oo doolar, mashruucan waxaa shuraako ku ah dhawr haayadood oo gaar looleeyahay iyo dawlada waana nooca mashruuc ee loo yaqaan Public Private Partnership (PPP), ugu danbayn waxaa la rajaynayaa inuu cusbitaalkani qayb laxaad leh ka qaato hiigsiga caafimaad ee dawalada kaas oo ah in sanadkii  2 milyan oo buukaan ah Turkigu qaabili karo (sanadkii 2017  waxay qaabilaan 750 milyan oo bukaan), waxaana la furi doonaa dhamaadka sanadkan.
  • Soo saarida hubka noocyadiisa kala duwan: waayadii hore Turkigu wuxuu ku xidhnaa una dabranaa dawalada reer galbeedka kuwaas oo kala soo dagi jiray hubka noocyadiisa kala duwan laakiin sanadadan danbe waxay dawlada Turkigu samaysay Shirkada Difaaca Dalka (Turkish Defence Industry) taasoo saartay hubka noocyadiisa kala duwan taangiyo, gawaadhida gaashaaman, Diyaarado, Maraakiib dagaal, Gantaalo iwm waxaanay u yeelatay laba faaido oo muhiima waa mide waxay ka yaraysay kharashaadkii sanad walba kaga bixi jiray soo gadashada hub cusub iyo inay dakhli badan soo galisay dawlada maadaama ay sanad walba iibinayso hub fara badan waxaa sanadkii 2017 la sheegay in dawladu ka faaiday hub iibinta lacag dhan 1.7 bilyan doolaar waxaana u qorshaysan inay fuliyaan mashaariic soo saarid hub oo gaadhaysay ilaa 500 oo mashruuc oo qaarkood hada la dhamaystiray qaarkalana la hilaadinayo inay sanadada soo socda la soo saaro.

Kuwaasi waa mashariicda ugu mudan ee ay dawlada Turkigu wado rabtana inay dalkeeda ku horamariso. Maanta turkigu waa dawlada kaliya ee muslima ee soo saari karta dhamaan waxay u baahato haday noqoto baabuur (kuwa raaxo, cagafyo, basas, taksiyo iwm), tareeno, diyaarado (kuwa dagaal iyo kuwa dadka qaada), taangiyo, maraakiib dagaal, dawooyin, dhar iwm. Hadaba waxaa is waydiin mudan sidee Turkigu halkan ku gaadheen maxaase casharo ay soomalidu ka baran kartaa. Aniga waxaan is leeyahay waxyaabaha gaadhsiiyay Turkiga heerka uu maanta ku sugan yahay waxaa ugu mudan:-

  • Waa dal leh hogaamiye himilo iyo hilaad sare leh oo doonaya inuu gaadho xaqiijiyana ahdaaf mustaqka dhaw iyo ka dheerba, waa Madaxeyne Rajjab Dayib Erdogan kaasoo isaga hortii Turkigu ahaa dal diin ahaan iyo dadnimo ahaanba liita, dadkiisuna ay safaf dhaadheer u gali jireen helida roodhi ay cunaan, gaas ay shitaan iyo daawo ay iibsadaan. Maantana ah dal dhinac kasta oo nolashaha ah ka hormaray lehna saamayn gobol iyo mid caalami ahba. Hadaba hadii ummada soomaaliyeed hali lahayd maanta hogaamiya kan Erdogan lamida oo aan hankiisa iyo fakirkiisu aanu ku koobnayn qabiilkiisa iyo qabiilada ay siyaasad wadaagta yihiin se leh himilo iyo hiigsi dheer oo mustaqbal garanayana wadadii uu ku gaadhi lahaa waxaan hubaa inaan ka bixi lahayn dhibaatooyinka badan ee inagu habsaday oo qaadka, qabyaalada iyo qaran dumisnimadu ka mid tahay.
  • Hogaamiyahaasi (Erdogan) wuxuu xushay koox ay isku fikir yihiin kuwaas si xoogan ugala shaqeeya gaadhida himilooyinkooda mustaqbal iyo keenida fikrado dahabi ah oo dadkiisa dhaxal u noqda mustaqbalka fog. Sida aynu wada ognahay sikasta oo hoggaamiyuhu u lahaado siyaasad iyo istaraatijiyad wanaagsan ase aanu lahayn koox kala shaqaysa gaadhida himilooyinkiisa waxa hubaal ah inuu habeen gudcura gudaya oo aanu meel sii fog gaadhayn. Hadaba hadii la helo hogaamiye soomaaliyeed oo han iyo himilo fog leh haystana kooxdii kala hawlgali lahayn gaadhida yoolkiisa waxaa hubaala in dal horumaray la helayo.
  • Turkidu waa dad ilbaxnimo iyo akhlaaq wanaagsan leh taasina ay sababtay inay si fudud u rabaysmaan una jihaystaan halkuu hogaankoodu u jeedaalay ee uu la rabay inay gaadhaan mustaqbalka. Akhlaaqda iyo basarka wanaagsani ummadaha horumarkooda waa ka qayb waayo hadii ummadi akhlaaqdeedu lunto oo halawdo waxkastoo ummadaasi lahayd waa lutay horena uma talaabsan karto. Turkidu waa dad aduunka soo maamulayay in ka badan 600 oo sanno kuwaas oo sannadahaa badan ka dhaxlay khibrad hogaamineed, mid dhaqaale, waxbarasho iyo milatariba.
  • Turkidu waa dad waddaniyadu ku wayn tahay oo luuqadooda, lacagtooda, calankooda, iyo ciidoodaba aad u jecel kuna faana. Qofka Turkiga ahi aad bay u yar tahay inuu luuqad aan tiisa ahyn kugula hadlo xataa haduu garanayo, waayo wuxuu u haystaa inay tiisu tahay luuqad caalamiya oo mudan inaad adigu baratid.

Waddaniyadaasina waxay qayb laxaadleh ka qaadatay inay bulshadu daacad u noqoto awaamiirta dawladooda sida inay bixiyaan cashuurta ku waajibtay, daymaha bankiyada  iwm kuna bixiyaan wakhtiyada ugu haboon si ay u helaan adeegyo bulsheed oo tayo leh. Sida bulashada soomaaliyeed badi u fikirto qofka Turkiga ahi uma haysato siyaasigiisa tuug xoolahiisa dhacaya oo isaga usoo shaqo tagay, sidaa si lamidana siyaasiga turkiga ahi uma haysto in xilku yahay fursad dahabi ah oo uu hanti badan wakhti yar gudihii ku kasban karo sida siyaasiga soomaliyeed oo kale.

 

Qalinkii: Cabdishakuur Ismaaciil Aadan

Cabsha1994@gmail.com

Turkey

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso