R/W Khayre “Waxaan Farayaa Hay’adaha Sama-falka in ay gar-gaar walba gaar siiyaan Deegaanada Dhibaatadu ka Taagantahay.”

Muqdisho, April, 28, 2018– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta kulamo deg-deg ah la yeeshay Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Bulshada, Xildhibaanno, dhamaan safiirada Muqdisho ku sugan, madaxda Hey’adaha Caalamiga ah ,Culimo, iyo Haween Soomaaliyeed, iyada oo lagu gorfeeyay xaaladda cusub ee dalka ka taagan, gaar ahaan fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo dhibaato u geestay bulshada iyo deegaanka.
“Waxaan isku raacnay in aan u gurmanno dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay sida ugu dh

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi ka kooban 22 xubnood oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), wuxuuna faray in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan gurmadkan iyo sida ugu haboon uguna wanaagsan ee loo caawin karo shacabka. Waxuuna ku dhiiri geliyay in ay qorsheeyaan sida ay shaqada u wajihi doonaan.
aqsaha badan, dawladda Soomaaliyeedna ay awoodeed ku jiheyso sidii dadkaasi loogu gurman lahaa. Waxaana farayaa hay’adaha sama-falka in gar-gaar walba oo ay hayaan gaarsiiyaan deegaanada dhibaatadu ka taagantahay.

Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa aan ka codsaneynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gurmadaan walaalahooda. Gobalada deriska la ah meelaha dhibaatadu ka dhecceen waa in ay u gurmadaan shacabka dhibaataysan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhammaan Safiirada jooga Soomaaliya iyo madaxda Hey’adaha caawiya Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay sida ugu haboon qaybtooda uga qaadan doonaan gurmadka qaran ee loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso