Pakistan Oo Ka Saartay Jeelka dhakhtarkii ka caawiyay Maraykanka Dilkii bin Laden Geysayna meel aan la garanayn

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa ka wareejiyey dhakhtarkii ka caawiyay Maraykanka inay dilaan hogaamiyaha al-Qaacida Osama bin Laden oo ku jiray xabsiga Peshawar City si loo helo meel ammaan ah, sidaana waxa sheegay wakaaladda wararka AFP.

Wakaalada ayaa ka soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan xabsiga Khyber Pakhtunkhwa ee gobolka waqooyi-galbeed ee dalka iyo caasimadeeda Peshawar, isaga oo sheegay in maamulka ay qaadeen maxbuuska Afridi khamiistii hore ayna u qaadeen meel aan la garanayn ka dib markii la helay macluumaad ku saabsan diyaarinta qorshe lagaga saarayo xabsiga.

Jamil oo ay walaalo yihiin dhakhtarkan ayaa u sheegay Agence France Presse in saraakiisha dawladda ay u sheegeen in loo wareejiyay meel ammaan ah.

Maxkamadda ayaa Afridi ku xukuntay 33 sano oo xabsi ah sannadkii 2012-kii, laakiin mar dambe ayaa xukunka loo rogay 23 sano.

Afridi oo ah dhakhtar qaliin da`da Kontanaadkana ku jira, ayaa ku xabisnaa Qol kaliya oo aanay cidi ku wahelin
Xabsiga Peshawar Central, qareenkiisa Qamar Nadim, ayaa sidaas sheegay.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday intii lagu jiray ololihiisa doorashada inuu weydiistay Pakistan ina sii daayo Afridi oo uu ku guuleysto goolka “laba daqiiqo gudahood,” laakiin Afridi weli waa xabisan yahay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso