Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xukunka Boqor Buur madow

Maanta, 26th April 2018, Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu gudoominayo garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil waxaay shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan aw Muxumued Buur madow oo ah hogaamiye dhaqameed caan ah.

Dacwadda isla maanta ayaa dhegaysiga iyo xukunkuba dhaceen, iyada oo aanu joogin qareen u dooday Boqorka islamarkaana aanu is difaacin.

 Boqorku dhawr jeer ayuu codsaday inuu u baahan yahay qareen iyo waqti uu ku diyaar garoobo. Maanta ayaa ugu horaysay dhegaysiga eedaha loo soo jeediyay. Waxaay maxkamaddu dhegaysatay eedihii xeer-ilaalinta kadibna xukun ayay soo saartay.

Boqorka waxa hore la xidhay 19 April waxa se lagu sii daayay damiin 20 ka April.

Waxa lagu eedeeyey “Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta), iyo “faafin war been abuur ah (qodobka 328), sida garsooruhu sheegay. Garsooruhu wuxu sidoo kale sheegay in lagu helay boqorka inuu caayay garsoorka oo uu yidhi “xukunka jeebka ayaad ku sidataan.”

Eeduhu waxaay la xidhiidhaan xaflad ka dhacday magaalada Carmo oo ka tirsan maamulka Puntland, Somalia, oo lagu caleemo saarayay hogaamiye dhaqameed. Wuxuu garsooruhu sheegay in Boqorku ka jeediyay goobtaas hadal “wiiqaya jiritaanka qaranimada Somaliland islamarkaana uu ku dhaleecaynayo ciidanka Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.”

 Boqorka muu helin xuquuqdii aasaasiga ahayd ee uu siiyay dastuurka Somaliland iyo Xeerka Habka Ciqaabtu. Wuxuu xaq u lahaa inuu qareen yeesho iyo inuu helo fursad uu isku difaaco, sida ku cad qodobada 27 iyo 28 ee dastuurka.

 Dacwadda oo dhami waxay dhacday iyada oo aanu wax door ah ku lahayn Boqorka. Waxa la dhegaystay xeer-ilaalinta kadibna waxa xigay xukunkii. Wuxuu waydiistay boqorku inuu qareen yeesho, lama siin fursadaa.  

 Sida ku cad qodobka 28(2) ee dastuurka Somaliland “qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.”

 Xaqa ah in qofka la eedaynayaa uu helo dacwad xaq ah (fair trial) waxa sidoo kale damaanad qaaday Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka iyo Mucaahadada Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasig ah.

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay aad uga walaacsan tahay arinkan soo kordhay.

15 kii iyo 16 kii bishan waxa sidoo kale hadal ay yidhaahdeen ama baraha bulshada ku qoreen dartood loogu xukumay laba qof oo kala ah Maxamed Kayse Maxamuud oo lagu xukumay 18 bilood iyo Naciima Axmed Ibraahim oo lagu xukumay sadex sanadood.

Mubaarig Cabdi, 

Xubin ka tirsan Xarunta Xuquuqal Insaanka

+252634368910

Advertisement

Ku Xayeysiiso