Maqaalka qormadan oo ah qaybtii saddexaad ee maqaalada aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN!

 

Maqaalka qormadan oo ah qaybtii saddexaad ee maqaalada aynu ku noolayn doono bisha in badan oo dadka muslimka ahi moogan yihiin ee SHACBAAN!

Waxaynu ku eegi doonaa qormadan “3 Dhaqan oo halis ah ,   Naxariistii EEBE ee nabi Muuse , Eygii dad wanaagsan jeclaaday iyo qudhaan-jadii ka qoslisay Nabi Sulayman”.

Ugu horeyn inta ayna bilaabin maqaalkan waxaynu is xasuusinaynaa in bishani tahay bishii loo diyaar-garoobi lahaa bisha Rammaddan. Sidaa awgeed camal kasta oo wanaagsan oo aynu la iman jirnay bisha Rammaddan , waxaynu la iman karnaa bishan. Dadkii inaga horeeyay waxay bishan u yaqaaneen magaca BISHA AKHRISKA , oo ay ugala jeedeen akhrinta Quraanka.

 

 

  • Sheekada Nabi Adam iyo shaydaanka ee Quraanku ka waramay waxyaabaha aynu ka faa’idaysanayno waxa ka mid ah:

In dhaqamada kibirka , xasadka ,  iyo inaad noqoto qof doonaya inuu waxkasta helo , ay yihiin dhaqamo halis ah. Dhaqamadan oo ay labada hore  yihiin waxa gaadhsiiyay (IBLIIS ) heerka uu gaadhay. Waxa uu sheegtay inuu ka kheyr badan yahay Nabi Adam , sidoo kale waxa uu ku xaasiday Nabi Adam dheeraadkii uu ALLE ku galadaystay ee ay ka mid-ka ahayd inuu ku amray Malaa’igta inay u sujuudaan.

Dhaqanka saddexaadna waxa ku dhacay Adam iyo ooridiisi Xaawa markii ay cuneen geedii ALLE ka reebay.

Dhaqankan ah in aad waxkasta doonto ama isku deydo inaad hesho waxkasta , waa dhaqankii sabab u ahaa in ALLE aabayaasheen ka soo saaro jannada . Sidoo kale waxa xaqiiqo ah in qofku markasta uu jecel yahay kuna dedaalo inuu helo waxa loo diido iyo waxa ka maqan. Sidaas darteed aynu ku dedaalno inaynu ka dheeraano dadkana ka wacyi-gelino saddexdan dhaqan ee  bulshada muslimka ah dhibaatooyin faro badan ku haya.

 

 

  • Nabi Muuse markii uu ka soo tegay magaaladii MADYAN isaga oo u socda MASAR , ayaa waxa uu ka am-baday wadadii. Dabadeeto waxa uu sheeda ka arkay dab markaas ayuu yidhi hadalkan “ Halkan igu suga ( ayuu ku yidhi ehelkiisii ) waxa aan idiin-ka soo qaadi doonaa cida dabkaasi u baxayo qori aynu dab ku shidano ama waxaan weydiin doonaa inay inoo tilmaaman meeshaynu u soconay”.

Nabi Muuse waxa uu ku talo galay ama qorshaystay laba mid-uun inuu heli doono  , taas oo ahayd naxariis u naftiisa iyo ehelkiisa u qabay. Balse mid saddexaad oo labadaasba ka qiimo badan ayaa uu la soo noqday!

Waxa uu la soo noqday fariintii EEBE iyo sharaftii uu ka helay inuu noqday adoon ALLE si toos ah ula hadlay.

Sidaas darteed naxariista EEBE ayaa ka kheyr badan kana balaadhan naxariista uu qofku u hayo naftiisa. Walibana ALLE ayaa uga xog-ogaal badan adoomaha waxa-kasta oo nafahooda wanaag u ah. Casharka aynu ka faa’idaysanayo ayaa ah in naxariista ALLE balaadhan tahay . Sidaas darteed markasta oo aynu wax rajaynayo inaynu samayno ama qorsheysano , waa in aynu marka xasuusana in ALLE arrinkan aynu doonayno  uu mid ka kheyr badan kana wanaagsan ina siin karo.

 

 

 

 

  • Aygii jeclaaday dadka wanaagsan. Sheekada dhalinyaradii godka ee Quraanka ku xusan waxaynu ka faa’idaysanaynaa in qofka ka jeclaada qalbiga , jeclaadana la fadhiga dadka samaha iyo wanaaga la saaxiib ah , in uu isaguna heli doono wanaagay helaan. Sida ku cad warka Ay-gaas la wadaagay dhalinyartaas amaantii iyo wanaagii lagu sheegay.

 

 

 

  • Nabi Sulayman waxa isaga oo maalin colaalkiisii la socda ayaa waxa uu soo maray meel ay isugu soo urureen ama ay joogeen qudhaan-jooyin fara badani.

Markaas ayay tidhi mid ka mid ah qudhaan-jooyinkaasi : Qudhaanjooyinaw gala guryihiina , yaanay idin bur-burin Nabi suleyman iyo colaalkiisu iyaga oo aan idin dareemeyn! Waayo yaraanta ay yar-yaryihiin qudhaan-jooyinku iyo weynaanta colaalka Nabi Suleyman ee isugu jiray dad , jin iyo xoolaba.

 

Qudhaanjadan hadalkan ay tidhi culimada TAFSIIRKU waxay ku tilmaamaan mid cajiib badan waayo :

  • Waa ay dhawaaqday si ay u soo jeediso dareenka walaalaheed uguna digto.

يا ايها النمل

  • Waxa ay ku amartay inay guryahooda galaan .

ادخلوا مساكنكم

  • Waxa ay u sii cudur-daartay Nabi Suleyman iyo colaalkiisa dhibaatadaas ay ku keeni karaan walaaladeed.

وهم لا يشعرون

 

Dabadeeto markii uu Nabi Suleyman maqlay hadalkeeda ayuu dhoola-cadeeyay.

Casharka aynu sheekadan ka faa’idaysan karno ayaa ah in qofku dhoola-cadayn karo ama qosli karo xilliyada uu maqlo ama uu arko wax ka yaabiya.

 

 

 

 

Xidhmada maqaalka waxaynu ku soo koobaynaa in wax la barto uu ugu qiimo badan yahay Quraanku. Sidoo kale in Akhlaaqda xun sida kibirka , xaasidnimada iyo doonista wax-kasta , ay yihiin dhaqamo dhibaato badan ku haya bulshada Islaamka. Ugu dambayntiina waa in aynu waxkasta oo aynu qorshaysano ama ku fikirno inaynu gaadho aynu rajayno in ALLE wax ka wanaagsan inoogu naxariisan karo.

 

وصلى الله وسلم على جميع الانبياء والمرسلين.

 

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay :

تيسير المنان في قصص القران

احمد فريد

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=64567

 

 

F.G

Maqaalka qormadani kama turjumayo aqoon aan u leeyahay cilmiga TAFSIIRKA , balse keliya wuxuu dhiirigalinayaa barashada cilmigan qaaliga ah ee TAFSIIRKA.

 

Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:

http://Www.Medium.com/@Kadim

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso