Duqa Muqdisho oo daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan

Muqdisho, 26 April 2018 – Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan oo lagu caawinayo dadka nugul ee ku nool magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa yiri “Sida ay na farayso Shareecada Islaamka, Waxaa mar walba waajib ku ah ummadda Muslimka in ay is-kaalmeyso dhaxdeeda iyadoo gacan kaalmo la siinaayo qaybaha bulshada ee dhibaateysan. Bisha Ramadaan oo ay xilligaan nooga harsan tahay wax ka yar 3dex asbuuc, Waxaa muhiim ah in la TAAKULEEYO walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed ee aan awoodin helista Afurta bisha Ramadaanka.”

Sidaas darteed, Waxa uu maamulka Gobolka Benaadir isagoo kaashanaya qaybaha kala ah;

1. Bulsho weynta Soomaaliyeed ee 17 ka degmo ee G/Banaadir
2. Hey’daha dawladda ee heer fadaraal iyo Maamulka Gobolka
3. Ganacsatada
4. jamciyadaha Kheyriga ah iyo kuwa Waxbarashada sida dugsiyada iyo Jaamacadaha
5. Qurbo joogta Soomaaliyeed
6. Safaaradaha wadamada adduunka ee xarumaha ku leh Muqdisho

Waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 26-04-2018 si rasmi ah u daahfuray OLALAHA TAAKULO ee bisha Ramadaan kaa soo ujeedkiisu yahay in la abaabulo qaybaha kor ku xusan si loo kaalmeeyo bulshada qaybaheeda aan awoodin in ay helaan wax ay ku afuraan. Waxa uu maamulku qaban doonaa shirar wadatashiyo ah ee lala gali doono inta ay khuseyo iyo sidoo kale wacyigalino heer bulsho ah ee laga samayn doono dhammaan 17 ka degmo ee G/Benaadir.

Olalahaan wajigiisa 1 aad ayaa socon doono ilaa 14 ka May, 2018, halka wajigiisa 2 aadna uu bilaaban doono 20 ka May, 2018 ilaa inta laga gaarayo Ciidul Fidriga.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa sidoo kale yiri “Iyadoo la aaminsanyahay in umadda Soomaaliyeed lagu yaqaan umad is-taakulaysa aadna ugu wanaagsan wax bixinta iyo kaalmaynta walaalahooda, Waxaan fursadaan uga faaíideeysanayaa in aan codsi u jeediyo dhammaan qaybaha aan kor ku sheegay kaasoo ah in ay gacan weyn ka geestaan kana qayb qaataan OLALAHA TAAKULO ee bisha Ramadaan ka si loo muujiyo masúuliyad, musilinimo iyo baniáadanimo. Maamulka Gobolka Waxa uu balan qaadayaa in uu si tayo leh oo hufan uu u hogaamin doono una maamuli doono aruurinta iyo gaarsiinta kaalmada dadkii loogu tala galay. Sidoo kale waxa uu maamulku fududeyn, qorshayn iyo xiriirin u samayn doonaa heyádaha qorshaynaya in ay sameeyaan mashaariic kaalmo ee bisha Ramadaan si loo xaqiijiyo in wax walba u dhacaan sidii loo qorsheeyay.”

Waxaan si hor-dhac ah, gaarna ah halkaan uga mahadnaqayaa Dhammaan Shaqaalaha Maamulka G/banaadir iyo D/Hoose oo goáansaday in ay ugu horayn bilaabaan ka qayb qaadashada OLALAHA TAAKULO iyagoo mushaarkoodi bisha April, qayb ka mid ah u jaray si loogu taakulayo dadka dhibaataysn maalmaha bisha Ramadaanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso