Wariyaha ugu da’da yaraa dunida oo dhan oo ceebeeyay askarta Israel!!!


Warbaahinta Israel ayaa soo warisay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay video ah “wariyaha ugu da ‘yar adduunka ” Inanta Yar ee Janna Jihad Al-Tamimi (12 sano)jir ah kana soo jeeda magaalada Nabi Saleh ee Ramallah.

Warbaahinta Yuhuuda ayaa ka digay khatarta in Wariyahan Da`da Yari isticmaalayo Luqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga iyada oo soo tabinaysa xadgudubka iyo falalka askarta intii lagu jiray iska horimaadyado ka dhacay magaaladeeda iyada oo fiidiyowyo ka soo duubtay, si balaadhana loogu faafiyey Baraha shabakadaha bulshada ee adduunka.

Ururka Suxufiyiinta ayaa siisay Inantan Tamimi kaadh xubinimo sharafeed, iyagoo aqoonsaday doorka gaarka ah ee diiwaangelinta dhaqdhaqaaqa Xoogaga Haysta Dhulka Falastiin iyo soo saarista fiidiyowyo badan oo gaaban oo ku baxa carabi iyo ingiriis labadaba, oo muujinaya dembiyada Israel Cod iyo fiidyow.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso