Haweenay La Aaminsanaa inay tahay tan ugu da’da weyn caalamka Oo Geeriyootay


Haweenayada Japanese-ka ah ee Nabi Tajima ayaa ku geeriyootay da’da 117 sanno waxaana la aaminsan yahay inay tahay qofka ugu da`da weynaa caalamka, Waxayna ku dhimatay cusbitaalka ku yaala Jasiirada Kikajima.

Waxay dhalatay Bishii August 1900.

Qorayaasha Guinness Book of Records ayaa sheegay in ay baadhayaan in haweeneydan tahay haweenayda ugu da’da weynd adduunka.

Buuga Guinness World Records ayaa bishan ku dhawaaqay in Masazo Nonaka oo u dhashay Japan da`diisuna tahay 112 uu yahay ninka ugu da’da weyn adduunka.

Sida laga soo xigtay xogta dawladda, tirada dadka waayeelka ah ee ku nool Japan ayaa lagu sheegay inay gaadhayso 67824 sannadkii hore, halka marka la barbardhigo sanadii 1963 ay ahayd 153 Ruux.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso