Trump : oo soo dhaweeyay Hadalka Waqooyiga Kuuriya ee Joojinta dhammaan tijaabooyinkii nukliyarka

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista North Korea ee joojinta tijaabada nukliyarka, isaga oo sheegay in uu sugayay kulan uu la yeeshay dhiggiisa North Korea Kim Jong-un.

“Waqooyiga Kuuriya waxay ogolaatay in ay joojiso dhammaan tijaabooyinka nukliyarka, ayna xidho goobo ballaadhan oo tijaabooyinka lagu sameeyo, waana war wanaagsan oo loogu talagalay Waqooyiga Kuuriya iyo dunida oo dhan,” ayuu Trump ku qoray bogiisa Twitter.

Aqalka Cad ayaa horay u sheegay in Shirarka Trump iyo Kim ay dhici karaan bisha May ama horraantii Juun.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso