Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Masuuliyiin Cusub oo ku jiro Godoomiyaha Baanku

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan:

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay:                  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey,

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir Magaca Xilka
1. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe
2. Axmed Xasan  Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
3. Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
4. Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal
5. Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada

 

 

 

Guddida Qandaraasyada Qaranka

 

Tir Magaca Xilka
1. Nuux Maxamed Xuseen Aadan Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka
2. Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Bidhaan Guddoomiye Ku –xigeen Guddida Qandaraasyada Qaranka
3. Cabdi Giire Jaamac Kadiye Xubin
4. Maxamuud Aadan Maal Xubin
5. Cabdi Faarax Ducaale Xubin
6. Maxamed Diiriye Xayd Nuur (Dib-jir) Xubin
7. Caasha Cabdillaahi Cilmi Xubin
8. Maxamuud Axmed Xirsi Baar-cad Xubin

Masuuliyiinta aan xilalka ka qaadayna waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso