Gudaha Ka Akri Qaxoonti Suriyaan Gaadhaya ilaa Shan boqol oo ka Noqonaya Lubnaan Kuna Noqonaya Suuriya


Ku dhawaad Qiyaastii 500 qaxooti Suuriyaan ah ayaa ka baxay koonfurta Lubnaan si ay ugu noqdaan meel u dhow caasimadda Damascus.

Tani waa dhacdo dhif ah ku noqoshada qaxooti Suuriya ah oo ka soo cararay Suuriya sababtoo ah dagaalkii sokeeye.

Qaxootiga ayaa ku soo ururay aagga Shebaa ee ku yaal koonfurta Lubnaan waxaana lagu qaaday kolonyo bas oo geeya xudduudaha Suuriya.

Hannaanka soo noqoshada waxaa soo qabanqaabiyey mas’uuliyiinta Lebanon iyo Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa si joogta ah uga digtay in xaaladda Suuriya aysan ku habboonayn soo noqoshada qaxootiga.

Warqbadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso