“Waxa aan kaaga nasteexaynayaa in aanad cuqubo ubadkaaga u qaadin”Gudaha Ka akhri: Eng Cabdixakiim Ismaaciil Oo Fariin Tusmayn, Waano iyo Tusaale Wax ku ool Ah Siiyey Madaxweyne Muuse Biixi

Ku: Madaxweynaha Somaliland
OG: Dhammaan inta danaysa cadliga.
Ujeeddo: Sii dayn Naciimo Qorane

Madaxweyne, caddaaladdu waa u muhiim qof kasta oo jooga dhulka aad masuulka ka tahay.
Haddii xil yar oo hoose ayaad ka haysaa dawladda Muqdisho qof ku mutaysanayo xadhig 3 sanno ah, wax weyn baa ka qaldan nidaamka caddaaladda. Somaliland. Waxa jira rag xilal kaa aad uga weyn ka haya Somaliland oo Muqdisho taga sida xildhibaanka Kulmiye ee Golaha Dhexe ku jira ex. Wasiir Maxamed C/laahi Cumar.

Waxa ka habboon qofku haddii uu halis ku yahay amniga in loo mastaafuriyo halka uu rabo waa haddii uu qofku dalbado.

Madaxweyne, Naciima Qorane waa 27 jir inan ah. Waa inantaada oo kale. Markaa madaxweyne, wixii lagu eedeeyey ee lagu xukumay ma le’ega xadhigga lala beegsaday.
Waa xadhig aan loo aabbo-yeelin in qalinka lagu xariiqo. Caqligu ha shaqeeyo oo inanta degdeg u sii daa calafkeeda ha seejin e. Haddii ay taasi dhici weydo cuqubadeedu gurigaaga ayey kugu sugi!
Madaxweyne, xumaani in ay gaadho hablaahaaga iyo inamadaadaba ma rabo. Waxa aan kaaga nasteexaynayaa in aanad cuqubo ubadkaaga u qaadin!

Waxaan qirayaa in aad tahay qof il-dheer ku eegi kara kiiskan Naciima Qorane.
Waxaan u arkaa kiiskan shinbir madfac lagu toogtay!

Allaa mahad leh

C/Xakiim Ismaaciil X.Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso