Gudaha ka Akhri Maxkamada Sare ee Pakistan oo ka Mamnuucday Nawaz Shariif inuu qabto Wax Xil ah Inta Noloshiisa Ka hadhay!!!

Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa Jimcihii go’aamisay in Ra’iisal wasaarihii hore Nawaz Sharif uusan u qalmin xafiis dawladeed inta noloshiisa ka hadhay.

Sharif oo 67 Sanno Jir ah ayaa iscasilay July dii la soo dhaafay ka db markii Maxkamadda Sare ay xukuntay inuusan u qalmin ra’iisul-wasaare, sababtoo ah isaga oo qariyey mid ka mid ah ilahiisa Dakhli ama dhaqaale, laakiin siyaasigan ayaa wali sii xejisanayay hogaanka xisbiga Islaamiga ah . Go’aanka maxkamada ayaa meesha ka saaray jahawareerka ah in haddii Shariif laga mamnuucayo in uu qabto xafiis dawladeed waligii ama muddo kooban.

Sida ku xusan go’aanka maxkamadda, dacwada sida ku cad Qodobka 62aad/1/F waxaa loo qaadanayaa inuusan ku habboonayn in uu qabto mansab siyaasadeed, Xisbi ama xafiis dowladeed inta noloshiisa ka hadhay, mana u tartami karo doorashooyinka ama xubinimada baarlamaanka.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa ah mid taariikhi ah, madaama ay joojinayso mustaqbalka siyaasadeed ee dhowr siyaasiyiin ah oo Pakistani ah, kuwaas oo garsoorka madaniga ah ka saarey in ay qabtaan xilal siyaasadeed, xisbiyo ama jagooyin, uguna caansan yahay ra’iisul-wasaarihii hore Nawaz Sharif iyo hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa cadaalada Jahangir Treen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso