Mashruuca ASPIRE ee kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah oo soconaya march 2018 ilaa march 2020 waxa fulinaysa VNG international oo dhaqaale ka helaysa ururka midawga Yurub.

Berbera

War-Saxaafadeed:

Berbera- (13 April, 2018) Dawlada Hoose ee Berbera ayaa qabtay daah-furka Mashruuc la magac baxay (ASPIRE) oo ah mashruuc lagu horumarinayo Dhaqaalaha Maxaliga ee Degmada Berbera, sidoo kale kor loogu qaadayo adeegyada ay Dawladaha Hoose fuliyaan iyadoo la adeegsanayo Ururka Dawlahada Hoose ee Somaliland (ALGASL). Mashruucan oo ay dhaqaale ahaan taageerayso Ururka Midawga Yurub (EU), waxa lasoo dhex mariyay Ururka Dawlahada Hoose ee Wadanka Holland (VNG International).
Mashuurcan la magac baxay ASPIRE waxa uu daaran yahay sidii Degmada Berbera u noqon lahayd Xarunta horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah (Local Economic Development) ee Gobolka iyo halka laga galayo xallinta kala duwanaanshaha dhaqaale ee gobolka. Berbera waxay in badan tiir muhiim ah u ahayd dhaqaalaha Somaliland. Maalgashiyada kala duwan ee hada ka socda Magaalada Berbera waa kuwo abuuraya fursado ganacsi kana qayb qaadanaya Shaqo abuurka. Mashuurcan higelintiisa waxa lagama maarmaan u ah in ay si toos ah uwada shaqeeyaan oo isku xidhmaan Qaybaha Dawlada iyo kuwo gaar ah ee gobolka dawlada hoose, ganacsatada iyo ururada Bulshada).

Sidoo kale Mashruucani wuxuu qaban doonoo in la dhiso awooda D/hoose ee Berbera si ay kor ugu qado dhaqaalaha gobolka, sidoo kale waxa qayb ka ah oo ka faaidaysanaya Gaboodka ay ku midaysan yihiin Ganacsatada Berbera (Berbera Ecenonoic Forum), kaas oo ka shaqeeya Horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah hiigsigiisuna yahay in ay magaalada Berbera noqoto Xarunta ugu fiican dhaqaalaha Gobolka. Waxa intaa dheer mashruucan ASPIRE waxa fulintiisa lagala kaashanayaa oo qayb ka qaadanaya Ururka Dawladaha hoose ee Somaliland (ALGASL). Ururkan oo ay ku midoobeen Dawladaha Hoose ee Somaliland ayaa isagana la dhisi doonaa Awoodiisa lana taageeri doonaa si la gudbinayo casharadii iyo guulihii laga bartay Berbera si loo gaadhsiiyo dalka intiisa kale (Somaliland).

Haayada fullinaysa mashruucan ee VNG International waa haayad khibrad u leh Xoojinta iyo Horumarinta Dawladaha Hoose iyo wadamada soo ku jira Xaaladaha ku meel gaadhka ah (transitional countries). Dawladaha hoosena waxay door muhiim ah ka ciyaaraan bixinta baahiyaha aas-aasiga ah sida, Biyaha, Maareynta Khashinka (Waste management), Daryeelka caafimaadka iyo guriyaynta. Waxay si wayn saameyn ugu yeeshaan meelaha sida; Nabad galyada, Cuntada (food security), ku dhaqanka sharciga (rule of law) iyo ilaalinta xaquuqda dumarka.

Sidaas darteed mashruucan ASPIRE wuxuu ka qayb qaadanayaa in uu joogteeyo sidii dadku ku heli lahaayeen mustaqbal iyo horumar dhaqan dhaqaale, iyadoo mashaariicda sidan oo kale ah hada laga wado ku dhawaad in ka badan lixdan mashuuc oo aduunka oo dhan ka kala socda, sidoo kale VNG International waxay dhistaa oo ay horumarisaa Dawladaha Hoose, Ururada dawlahada hoose leeyihiin iyo machadada tababarka ee heer degmo.

Waxa furitaanka kasoo qayb galay: Timen Rooseboom fromThe oo ka socday Safaarada Holand ee Kenya mayerka Berbera, Badhasaabka Gobolka Saxil, Xoghayaha fulinta d/hoose, wafti ka socday ururka Dawladaha hoose ee AL GASl, Mayerada Boorama, Hargaysa iyo oodweyne, Saraakiil ka socotay VNG, Gudida Free zoneka, yusur Abrar, Xafiiska Championka, ganacsatada Berbera, haayadaha kala ah , UNHCR, DRC, HPA, IOM, HAVAYOCO, MIM, YOVENCO, GIZ, SOYCA, Fair-fishing.

Jimale Abdulahi Jama
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta
D/hoose ee Deg, Berbera
Tell: 063-4449003
Email: Cawke99@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso