Ruushka : Trump Waa Inuu Gantaalada Ku Jiheeyaa Argagixisada

Ruushka ayaa si deg deg ah uga jawaabay Hadalkii Madaxweynaa Maraykanka Donald Trump Arbacadii, isaga oo doonaya in uu ku weeraro Suuriya Sawaariikhda Caqliga leh “smart missiles”, iyaga oo u sheegay kuna yidhi “waa in aad ku jeedisaa Gantaalada argagixisada.”

“Sawaariikhda Caqliga leh waa in aad ku jeedisa argagixisada, maaha xukuumadda sharciga ah ee kula dagaallamaysay argagixisada caalamiga ah ciideeda muddo sannado ah,” afhayeenka Wasaarada Khaarajiga Ruushka ayaa sidaa Sheegtay Maria Zakharova .

“Gantaalada Caqliga leh ayaa noqon kara isku day lagu doonayo in lagu burburiyo caddaynta weerarka kiimikada lagu soo qaaday dhulka Suuriya,” afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sidaas tidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso