Ergeyga Ruushka ee Suuriya Oo Booqsho Kedis ah ku tagay Iran Kalana hadlaaya hanjabaadaha reer Galbeedka ee Suuriya


Wakiilka Ruushka ee Syria Alexander Lavrentev ayaa booqasho kedis ah ku tagay Tehran, ka dib hanjabaadaha reer Galbeedka ee ka dhanka ah Suuriya ayna ka soo horjeedaan Suuriya iyaga oo ka jawaabaya weerarka kiimikada ah ee Duma ee bariga Guta.

Wakaalada Wararka Iran ataa sheegtay in Lavrentev uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka Iran Cali Shamkhani iyo mas’uuliyiin kale, waxaanay isla soo qaadeen kana wada hadleen hanjabaada ka imanaysa Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ee faragalin militari ee Suuriya.

Tehran ayaa hore u sheegtay in duulaanka hawada ee lala beegsaday saldhig milatariga ee Tifour ee magaalada Homs lagu dilay toddoba askari oo Iran ah, iyaga oo sheegay wacadna ku maray in weerarka ay ka jawaabi doonaan.

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso