Dowladda Imaaraatka Oo Cambaaraysay Dowladda Federaalka Somalia sheegayna in ay ku kaceen fal ka baxsan qawaaniinta caalamiga ah ee dilumaasiyadda

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu cambaareeyay tallaabadii ciidamada dowladda Federaalka ay ku xanibeen diyaarad ka diiwaan gashaneed Abu Dubai taas oo 8-dii bishaan kasoo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga UAE ayaa lagu sheegay in ciidamada DF-ka ay ku kaceen fal ka baxsan wax ay ugu yeedhay acraafta iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dilumaasiyadda.

“Dowladda Imaaraatka Carabtay waxay si kulul u cambaaraynaysaa falkii maamulayaasha amniga Soomaaliya ay u qafaasheen diyaarad gaar ah oo ka diiwaangashaneed UAE, diyaaraddaasi oo sideedkii bishaan April ku degtay garoonka caalamiga Muqdisho waxaana la socday 47 kamid ah ciidamadeenna qalabka sida ee imaaraatka ,laamaha amniga soomaaliya waxay la wareegeen lacago loogu talagalay maalgelinta dhismaha ciidamada ammaanka  waxayna hub ku handadeen ciidamadii la socday diyaaradda “ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay dowladda Imaaraatka.

Xukuumadda Dubai ayaa dowladda Federaalka ku eedeysay in muddo saacada ah ay diyaaradeedda gaarka ah ku heysatay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho islamarkaana ay la wareegtay lacago malaayiin dollar ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay cambaareynaysaa falkaas oo khilaafsan dhammaan qawaaniinta diblumaasiyadda wuxuuna dhaawacayaa heshiisyadii dhanka amniga iyo iskaashiga ahaa ee Soomaaliya nagala dhaxeeyay” ayaa markale lagu yidh warka kasoo baxay dowladda Imaaraatka.

Warkan ayaa banaanka soo dhigaya sida khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Khaliijka uu saameyn ugu yeeshay maamulka Farmaajo madaxda ka yahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso