Nigeria Oo Bookoo Xaraam Ka Soo furatay 149 Ruux

(Toggaherer)-Nigeria Oo Bookoo Xaraam Ka Soo furatay 149 Ruux.

Ciidammada Nigeria ayaa soo furtay dad ay haysteen kooxda Bookoo Xaraam

Ciidammada Nigeria ayaa sheegay in ay kooxda Boko Xaraam ka soo badbaadiyeen 149 ruux oo ay ku haysteen waqooyiga bari ee dalkaas.

Hawlgalkaas waxaa lagu dilay saddex ka mid ah dagaalameyaasha Nigeria, waxaana gacanta lagu dhigay shan kale.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay Militariga Nigeria waxay sheegayeen in howlgalo ay sameeyeen ay ku soo badbaadiyeen dad ay afduub u haysteen kooxda mintidka ah ee Boko Haram.

Todobaadkii aanu soo dhaafnay ciidammada ayaa sheegay in dadka la soo badbaadiyay ay ku jiraan 54 haween ah iyo 95 carruur ah, balse wax faahfaahin ah oo kale ma aysan bixin.

Sida uu ku sheegay bayaan uu afhayeen u hadlay militariga, Kornayl Onyeama Nwhachukwu ciidammadu waxay sameeyeen howlgal sifeyn ah kaasi oo ka dhan ahaa qoomiyada Yerimari-Kura oo ku nool kaynta Sambisa ka dib markii halakasi laga helay dadkii la haystay.

Maalintii sabtida waxaa la dilay laba qof oo bambaano isku soo xiray ka dib markii ay isku dayeen in ay bulshada ku dhex dhuuntaan degaanka Konduga – iyaga sita funaanado walxaha qarxa lagu rakibay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso