Waxaynu ku qaadan doonaa qaybtan labaad ee maqaalkan “siyaabo loo-gala soo bixi karo xogta , fikradaha iyo khibradaha buug ku jira”.

Waxaynu ku qaadan doonaa qaybtan labaad ee maqaalkan “siyaabo loo-gala soo bixi karo xogta , fikradaha iyo khibradaha buug ku jira”. Waxa jira habab kala duwan oo aqoon loo-gala soo baxo buug.
Marka aynu buug akhriyayo waa inaynu is-weydiina dhawr su’aalood . Su’aalahaas oo aynu is-weydiin doono ka-hor intaynaa bilaabin akhrinta buuggaas , inta aynu ku guda jirno akhrinta buugaas iyo markaynu dhammayno ka dib.

Marka koowaad inta aynaa bilaabin akhrinta buuggaas su’aalaha aynu is weydiin karno waxa ka mid ah:
1. Maxaan ka ogahay mawduuca uu buuggani ka hadlayo?
Si aynu su’aashan uga jawaabno waa in aynu marka hore fiirino tusmada buuggas iyo cutubyada uu ka kooban yahay. Inaga oo qiimaynaya cutubyada buuggas , iskuna dayaya in aynu xasuusano in aynu xog hore ka haynay mawduucyada buuggan ku qoran.

2. Waa maxay mushkilada uu isku deyayo inuu xaliyo buuggani?
Buugaagta intooda badani waxa ay isku dayaan inay xaliyaan dhibaatooyin. Sidaas darteed buugaagta inta badan waxa la soo raaciya qoraal cadaynaya sida ugu fiican ee aad uga faa’idaysan karto iyo waliba ujeedada loo qoray ( hordhac). Sidaa awgeed waa in aynu isku dayno in aynu saadaalino ujeedada buuggaas loo qoray inaga oo isticmaalayna hordhaca buugga.

Marka labaad su’aalaha aynu is weydiin karno inta aynu ku guda jirno akhrinta buuggas waxa ka mid ah:

3. Haddii aan ugu yaraan 3 shay ka faa’idaysan lahaa buuggan maxay noqon lahaayeen?
Marka aynu akhriyayno buug iyada oo ujeedadeeno tahay helista xog , fikrado iyo khibrado aynu nolosheena ku saxi karno. Waxa ay natiijadu noqon doontaa in ay si wanaagsan maskaxdeenu ugu soo jeedi doonto akhrinta buuggaas. Taas oo inaga caawinaysa inay meesha ka baxaan wax-kasta oo inaga mashquulin lahaa akhrinta buuggas sida taleefanka.

4. Waa sidee habka uu qoraagu u soo bandhigayaa aragtidiisa?
Marka aynu ku jirno akhrinta buug kaliya kuma fikireyno inaynu wax ka faa’idaysano. Balse waxaynu qiimeyneynaa habka uu wax u soo bandhigayo qoraagu sida tusaalayaasha uu ku ladhayo xogaha iyo aragtiyooyinka , luuqada uu isticmaalayo iyo waliba inay arrimaha uu soo bandhigayaa aanay ka hor imanayn xogtii aynu hore uga haysanay mawduucan ama ay li-di ku yihiin mabaadi aynu aaminsanayn , IWM.
Sidoo kale waxaynu ka baran karnaa luuqada uu isticmaalayo qoraagaasi sida ugu wanaagsan ee bulshada qoraal loogu soo bandhigo.

5. Ma jiraa arrimo aanan fahmin hadda oo u baahan inaan ku celiyo akhrintooda mar kale?
Marka aynu akhriyayno buug waxa muhiim ah inaynu calaamadino meelaha aynu hore u fahmi weyno. Arrintan oo ah mid aynaa inta badan xoogga saarin. Waayo waxa jiri kara hawlo kale oo u baahan in la qabto ama waxa inaga maqan xirfadihii iyo awoodihii aynu ku fahmi lahayn mawduucan sida ku cad qeybtii hore ee maqaalkan. Si kastaba ha ahaatee waxaynu ka dhigan karnaa meelahan adkaaday ca-rin aynu nafaaheena ku bari karno inay caqabadaha ka hor yimaada ku xalin karaan. Dhinac kale hadaynu ka eegno dhibtaas yar ee inaga hor timi waxaynu kaga bixi karnaa in aynu weydiino qof inooga aqoon badan!

Marka saddeexaad su’aaalaha aynu is weydiin karno marka aynu buugga dhaammayno akhrintiisa waxa ka mid ah:

6. Si guud buugan akhrintiisa ma faa’ido ayuu Ii ahaa mise faa’ido darro?
Runtii ma jiro buug qofku marka uu akhriyo aanu wax ka faa’idin. Buug kastana ugu yaraan hal shay oo aynu nolosheena iyo bulshadaba ku wanaagin karno ayaynu ka helaynaa.
Akhrinta buugtuna iyo inaad waxtar ka hesho waxay ku xidhan tahay ugu horeyn sababta aad ku dooratay akhrinta buuggaas.
Sidaas darteed waxaynu odhan karnaa marka aad dhammayso akhrinta buug waa inaad qiimeysaa inta cutub ee kugu adkaaday intaad akhriyaysay buggaas. Sidoo kalena aad qiimaysaa inta cutub ee ku fududaa intaad akhriyaysay. Dabadeeto is bar-bardhig ku samayso labadaas. Intaas ka dib waa inaad haddana is-bardhigto aqoonta aad hore u taqaanay ee buuggaas ku jirtay iyo inta kugu cusbayd.
Qiimayntaas ayaad ku qiyaasi kartaana in buugani u baahan yahay ku ce-lin iyo in-kale.

7. Isku day inaad soo koobtid nuxurka uu ka hadlayo buuggani ee ku anfacay.
Akhrinta buug ka dib waxa fiican in aynu buug gaar ah u samayno casharadii aynu ka baranay buuggaas. Buugagtaas aynu ku soo koobnay aqoontii ku duugnayd buugaag fara badan oo aynu akhrinay , waxay inaga caawinaysa in aynu si fudud markasta u helno xogta aynu u baahan nahay. Sidoo kalena aynu bulshada la wadaagno aqoon la soo hufay.

Gunaanadka maqaalkan waxaynu si kooban isugu soo xidhaynaa qodobada kor ku xusan.
Marka koowaad isku-dey inaad ogaato waxa uu ka hadlayo buugani adiga oo akhriyaya tusmada buuggaasi . Qodobkani waa qodobka saamaynta ugu badan ku yeelan doona inaad si niyad-sami ah u dhammayso akhrinta buuggas . Sidoo kale inta aanad bilaabin akhrinta buugaas isku-dey inaad ogaato fariinta uu gudbinayo qoraagu ama mushkilada uu isku deyayo inuu xal u helo.
Marka labaad inta aad ku guda jirto akhrinta buuggaas waa inay maskaxdaadu soo jeedo. Sidaa darteed isku day inaad calaamadiso meelaha ku cajabiya , meelaha kugu adkaada iyo inaad si guud u qiimayso qoraaga.
Marka saddexaad marka aad dhammayso akhrinta buuggaas isku dey inaad dib u milicsato meelihii aad calaamadisay . Dabadeeto is bar-bardhig cutubyadii kuu fududaa iyo kuwii kugu adkaaday.
Ugu dambayntiina isku dey inaad buuggas iyo buug kasta aad akhrido inaad soo koobtid , buugaag u gaar ahna u samaysid.

Waxaan ka soo qaatay maqaalka ciwaankiisu yahay :
I Use These 7 Questions To Remember Everything I Read.
Sheba Leung
F.G
1. Maqaalkan waxaan sidoo kale idinla wadaagi doonaa buug aad u xiiso badan. Buuggaas oo magaciisu yahay “ SIDEE AYUU ULA DHAQMAY? Buuggas oo ka hadlaya sidii uu rasuulku ula dhaqmi jiray ﷺ bulshooyin kala duwan. Tusaale ahaan sidii uu ula dhaqmi jiray xaasaskiisi , caruurta , waayeelka , xayawaanka iyo qaar kale oo fara badan! Inkastoo buuggasi ku qoran yahay af-carabi iyo af-ingirisi. Haddana waa buug runtii aad u qiimo badan.
A.Link-ga buugga oo af-carabi ah:
https://document.li/Zm51
B.Link-ga buugga oo af-ingirisi ah:
https://document.li/24Kq

2. Maqaaladii ku soo baxay degelka MEDIUM iyo Website-yada ku baxa afka Soomaaliga hadaad u baahan tahay ka dejiso iyaga oo dhammaystiran linki-yadan.
https://document.li/3GiI (PDF KHAD LEH )
https://document.li/NiS0 ( PDF MADAW & CADAAN)

Advertisement

Ku Xayeysiiso