Somaliland: Kala Dhawra Qaran iyo Qabyaalad

Somaliland waa dal dimoqaraadi ah oo ku dhisan codka doorashada ee rabitaanka ummadda.
Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka waxaa lagu soo doortaa codka shacabka (qof iyo
cod).
Sidaas oo kale, xubnaha golayaasha dhexe ee axsaabta qaranka waxaa lagu soo doortaa
shirweynayaasha axsaabta qaranka. Guddoomiyayaasha golaha dhexe ee axsaabta qaranka
waxaa lagu soo doortaa doorasho ka dhacda shirka golayaasha dhexe ee axsaabta qaranka,
waxaana ku soo baxa marba qofka ugu cod badan ee shirku u garto inuu hoggaamiyo xisbiga,
mustaqbalkana suurtogal noqonkarta In xisbigu u soo sharraxo madaxweynenimo.
Beelaha Somaliland waa u simanyihiin doorashada guddoomiyayaasha axsaabta qaranka. Waa
wax laga naxo in beeli tidhaahdo: “Waxaan madaxweynaha ka rabnaa inuu naga soo wareejiyo
guddoomiyaha xisbi si aanu madaweyne u noqono mustaqbalka.” Caqligaasu marnama kama
talinayo in Somaliland ay sii ahaato dawlad iyo qaran madaxbanaan waayo marba qabiil ayaa
sheegankara hoggaaminta dalka. Waa caqli muujinaya inaan dalka la wada lahayn, waa caqli
muujinaya inaan hoggaaminta iyo dawladnimada dalka loo wada sinayn. Waa figrad halis ah oo
fitno iyo iska-horimaad dhalinkarta, aakhirkana keenikarta inay dumiso Somaliland.
Laba arrimood waa ku halis qaranimada Somaliland, kuwaas oo kala ah: Shirarka qabiilka ee ku
dhisan siyaasadda iyo sheegashada beel gaar ah inay sheegato guddoomiyenimada xisbi
qaran. Arrimihii hore u dhacay ee la xidhiidhay ama ku salaysnaa labadaas arrimood waxay
cahaayeen kuwo aad u khaldan waayo waxay ku salaysnaayeen qabyaalad fool-xun oo
ummadda kala geynkarta. Arrinta lagu magacaabo “Jeegaanta” iyaduna maaha arrin dan u ah
wanaagga Somaliland waayo waxay muujinaysaa cadaalad-xumo iyo is-bahaysi qabyaaladeed
oo inta kale ka dhan. Xukun dal oo loo simanyahay gar maaha in beel gaar ah sheegato. Haddii
nin gabooye ah uu ku guulaysto hoggaaminta dalka, waa in la wada adeecaa oo loo
hoggaansamaa, waa haddii la rabo dawladnimo iyo qaranimo qofkasta oo Somaliland ahi uu ku
farxo kuna faano.
Doorashada golayaasha wakiilada iyo guurtida waa in laga ilaashaa qabyaalad waxaana
habboon in lagu saleeyo degaan halkii lagu salayn lahaa beel. Tirada wakiilada gobolka ee laga
soo dooranyo degmada waxay marba ku xidhantahay tirada dadweynaha ee ku nool degmada.
(Laakiin inta la helayo tirokoob sax ah ee degmakasta ee gobolkasta mustaqbalka, waxaa
habboon in la maareeyo laakiin aan marnaba lagu salayn qabiil ama beel balse lagu saleeyo
degaan).
Guurtida waxaa habboon in gobol kasta la siiyo tiro go’an oo dhammaan degmooyinka gobolku
soo wada doortaan sida gobol kasta waxaa uu soo dooranayaa 3 xubnood oo guurti ah si joogto
ah. Sannadaha ay wakiilada iyo guurtidu u adeegayaan ummadda waa in lagu caddeeyaa
Dastuurka Dalka si aan doorasho dambe dib ugu dhicin mustaqbalka. Maayarada waxaa soo
dooranka dadka degan degmada iyaga oo iyaguna leh waqti cayiman oo ay u adeegaan
degmada.
Haddii doorashada wakiilada iyo guurtida lagu saleeyo qabiil waxaad ogaataan inay u
adeegidoonaan beesha soo xusha oo qudha, taasuna maaha dawladnimo iyo qaranimo.
Qabyaalad iyo qaranimo kala dhawra haddii aad rabtaan inaad noqotaan qaran midaysan oo
nabadgelyo ku nool oo leh awood, sharaf, iyo horumar wada saameeya dalka iyo ummadda.
Ibrahim Hassan Gagale
March 7, 2018

Advertisement

Ku Xayeysiiso