Daawo: Maamulaha Madarka Hargaysa Md Maxmed Yuusuf Cabdi Oo Goordhaway ka Duulay Madaarka Gardermoen Ee Caasimada Oslo isagoo ku guryo Noqonaaya Dalkii

Waxaa Goordhawayd ka duulay Garoonka diyaaradaha Ee  Caasimada dalka Norway ee Oslo Maamulaha madaarka Caasimada Somaliland ee Hargaysa Md Maxamed Ismaciil Cabdi Oo Safar Gaaban ku yimid Dalka Norway Gaar ahaan Magaalo Madaxda Oslo.

Maasuulkan  Ayaa Waxaa sii Amaba-bixiyey Qaar ka mid ah Dadweynaha Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Oslo. Maamulaha Ayaa u mahad naqay Guud ahaan Jaaliyada gaar ahaan Kooxdii Soo Dhawaysay iyo Kuwi Amba-bixiyeyba.

” Dadka hadba inta aad ka aragto ayaad ku qiimaysaa Kooxihii kala duwanaay ee isoo dhawaysay iyo kuwii i sii amaba Bixiyeyba Waxay Tusaale iyo Muunad u yihiin  Jaaliyada Dalka Norway  inteeda kale ee aanaanu is arag.  Sababtuna xagayga ay ahayd taasoo aan la joogaayey Mudo aad u gaaban oo aanay suuto gal ahayn in aanu kulano jaaliyada inteeda kale. Intii aanu kulmi waynay waxaan rajaynayaa in aan kulmi doono inshaalah hadii ilaahay isku keen simo ” Maamulaha ayaa Hadalkaasi ka sheegay markii uu ka sii amaba baxaayey madaarka Oslo

Amaanta maamulaha ee Jaaliyada Norway ayaa ka dambaysay kadib markii Si diiran loogu soo dhaweeyey Xalay goor dambe madaarka Caasimada Oslo sidoo kale sidaa si leeg looga sii amaba bixiyey Isla madaarka  isaga oo ku sugnaa magaalad Oslo 00:00 ilaa 14:00 ayna u suurta gali wayday in kulan balaadhan loo Qaato jaaliyada  inteeda kale.

Warqabadka Togaherer

Oslo Norway

Advertisement

Ku Xayeysiiso