Tacsi Madaxweyne Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Cismaan Cabdi 

06/04/2018

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Cismaan Cabdi oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta. Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ganacsade Cismaan Cabdi Lugay oo ah aabaha dhalay Marxuumka oo u geeriyooday shil gaadhi ku jiidhay UAE .

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso