Diyaarad Dagaal Oo Ku Burburtay Koonfurta Kuuriya


Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay Maanta oo Khamiis ah burburka diyaarad F-15 ah gobolka Jeong Sangbuk do,Wakaaladda wararka ee Yonhap ayaa soo warisay in diyaarada burburtay ay la haayeen ciidamada Koonfurta Kuuriya.

Ciidamada Cirka Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in diyaarada dagaal ay ka kacday saldhig milatari ee Teg, ka dib markii ay soo dhamaysatay howlgalkeedii ayna dib ugu soo laabanaysay saldhigeeda ay ku dhacday kuna burburtay deegaanka Shilgok ee gobolka Jeong Sangbuk do, iyaga oo intaa raaciyay in laba duuliye ay saaranaayeen diyaarada walina aan lahayn halka ay ku dambeeyeen baadhitaana socdo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso