Bilooyin Ka Dib Unbay K/Waqooyi Awoodi Kartaa In Ay Gantaallo Ku Weerarto UK

(Toggaherer)-Bilooyin Ka Dib Unbay K/Waqooyi Awoodi Kartaa In Ay Gantaallo Ku Weerarto UK.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in uu yahay nin arxan daran balse wax fahma

Waxay u badan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay lix ilaa 18 billood ku qaadan doonto in ay awoodo in ay gantaallo ku rido dhulka UK.

Si kastaba ha ahaatee guddigga arrimaha difaaca ee baarlamaanka UK ayaa sheegay in aysan wali jirin caddaymo muujinaya in gantaalladaas ay xambmaari karaan madaxyo nukliyeer ah.

Xildhibaannadan oo loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan haliska ka soo fool leh Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ay tahay arrin suurtagalnimadeedu ay aad u yartahay.

Xildhibaannadaas ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay “nin arxan daran balse wax fahma”

Kuuriyada Waqooyi ayaa lix jeer tijaabixay hub nukliyeer ah, waxaa kale oo ay tijaabisay gantaal riddo dheer oo khuburadu rumaysan yihiin in uu gaari karo dhammaan dalka Maraykanka.

Markii ay Pyongyang tijaabadaas samaysayna waxay sheegtay in ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal Nukliyeer haysta.

Sikastaba ha ahaatee Kim ayaa sheegay “in uu doonayo in uu nukliyeerka isaga haro” ka dib bilo ay xiisad adag taagnayd.

Haddana Kim iyo Trump waxay ku heshiiyeen in ay wadahadlaan arrintaas oo ahayd mid aan la filaynin.

Inkastoo horumarkaas la sameeyay haddana xildhibaannada UK waxay sheegeen in ay u badan tahay in Kuuriyada Waqooyi ay sii wadato hawlaha hubkeeda, lagana yaabo in ay xaqiijiso damaceeda ah in ay si degdeg ah dalalka ka soo horjeeda u galiso halis nukliyeer.

Gudigan xildhibaanada ayaa sheegay in ay u badan tahay in UK aysan halis ka soo foodsaarin Kuuriyada Waqooyi marka la fiiriyo sida ay hanjabaadoodu ugu wajahan tahay Maraykanka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso