Meesha UGu Adag Ee Wax Lagu Barto Dunida Oo Dhan.

(Toggaherer)-Meesha UGu Adag Ee Wax Lagu Barto Dunida Oo Dhan.

Dagaalka dabada dheeraaday ee Suuriya ayaa horseeday muuqaallo badan oo tilmaaamaya burbur iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Dad guuraya ka dib markii toddobaadkii hore uu weerar dhacay waxaana goobta ka baxaya qiiq

Laakiin iyadoo waxaas oo dhan ay jiraan haddana bariga magaaalada Quuta waxaa ku nool dhallinyaro wali isku dayaya in ay wax bartaan oo haddana maareeyaan qorshaha mustaqbalkooda.

Ardaydaasi waxay ku tiirsan yihiin jaamacadaha Online-ka ku bixiya shahaadada Dhigriiga, si ay arrintaas ugu suurtaagashana waxay u baahan yihiin koronto iyo khad internet.

Maxamuud oo labaatan jir ah kuna nool Bariga magaalda Quuta ayaa culuunta combiyuutarka oo dhigrii ah ka baranaya jaamacadda University of People ee dalka Maraykanka ku taalla, taas oo waxbarasho dhigrii ah u fidiso dadka aan si caadi ah waxbarasho sare u heli karin.

Fasallada dugsiyada sare wuxuu ku qaatay Bariga Quuta iyadoo ay sannado badan halkaas ka socdeen dagaal sokeeye, balse ma jirin jaamacad uu ka sii wato tacliinta sare.

Guri dhulka lala simay oo ku yaalla Bariga Quuta, waxaa daganaa arday guriga ka maqnaa oo sidaas ku badbaaday

Markii aan dhameeyay dugsiga sare ma heli karin jaamacad aan culuunta kombiyuutarka oo dhigrii ah ka dhigto, sida uu BBC-da u sheegay.

In aad waxbarato oo dhigrii qaadato waa arrin muhiim u ah in aad horay u socoto, sida uu sheegay Maxamuud, waana astaan muujinaysa in mustaqbalku wanaagsan yahay ayuuna hadalka sii raaciyay.

“Waxay ila tahay waddadaas ayaan cagta saaray” ayuu yiri.

Jaamacaddan Dadka ama The University of the People ayaa u taagan dadka aan fursad kale oo jaamacad haysanin. Waxaana adeegsan jiray ardayda Suuriya markii uu socday dagaalkii magaalada Xalab, markaas oo jaamacaddii magaalada la duqeeyay.

Ilmo laga badbaadinayo meel ay duqayn ka dhacay intii ay go'doomintu socotay

Jaamacaddu waxay ardayda u suurtagalisaa in ay helaan shahaado dhigrii ah oo la aqoonsan yahay oo ay online-ka ku dhigteen, waxaana arrintaas gacan ka gaysta shirkadda Google iyo Gates Foundation, waxaana ka shaqeeya bareyaaal mutaadawiciin ah iyo macalimiin hawlgab ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Bariga Quuta ku tilmaamay “caddaabkii dunida” jaamacaddana waxaa daruusta wali ka qaata 10 arday.

Laakiin sidee qof si wanaagsan wax ugu baran karaa iyadoo ay dagaallo sidaas oo kale ah socdaan.

Dabcan dhibaatooyin dhanka maskaxda ah ayay reebayaan, sababtuna waa waxa agagaarkanaga ka dhacaya, ayuu yiri Maxamuud.

“Marka duqaymaha dhanka cirka ah iyo gantaalladu ay sii cuslaadaan waxa kali ah een ka fikirno waa badqabkanaga.

Marka ay yaraha roonaatana xataa wakhti koobanba ha ahaatee waxaan dib ugu laabanaa in aan ka fikirno shaqooyinkanaga, waxbarashadanada iyo waxa aan samayn doono mustaqbalka.

“Shaqsiyan waxaan qabaa caqabadaas laftirkeeda ayaa dhibaato dhanka maxkasda ah.

“Laakiin in aad haysato fursad aad wax ku barato adiga oo ku nool goob go’doonsan waa “rajo” naadir ah.

Waxaan doonayaa in aan qalinjabiyo oo aan dhigrii qaato. Anagga oo go’doonsanna fursad wayn ayay noo tahay. Ardaydana rajo ayay galinaysaa.

Waana ka go’naansho la taaban karo.

“Niyad baan u hayaa in aan wax barto, waxaana doonayaa in aan sii wado waxbarashada. Haddii aan fursad helana waxaan doonayaa in aan qayb ka noqdo qorshaha dalka dib loogu dhisayo,” ayuu yiri Maxamuud.

Laakiin arrintu ma sahlana

Tan iyo bishii hore “xaaladdu way adkayd balse waa la maarayn karay” si uu waxbarashada u sii watana wuxuu ku tiirsan yahay koronto iyo jananeetar.”Niyad baan u hayaa in aan wax barto, waxaana doonayaa in aan sii wado waxbarashada. Haddii aan fursad helana waxaan doonayaa in aan qayb ka noqdo qorshaha dalka dib loogu dhisayo,” ayuu yiri Maxamuud.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso