Madaxweyne Biixi oo tacsi diray geerida Marxuumad Sahra Axmed Jaamac

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday  Alle ha u naxariistee  Fannaanadii caanka ahayd Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2018, magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ku sifeeyey hooyo ka baxday bahda fanka iyo suugaanta, magac iyo sumcadna ku lahayd bulshada ku hadasha afka Soomaaliga meel ay joogaanba, marxuumadu waxay fanka ku soo biirtay, 1969kii.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Fanka iyo Suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

Advertisement

Ku Xayeysiiso