Biyaha Webiyada Furaad iyo Dijle

Biyaha Webiyada Furaad iyo Dijle

Furaad iyo Dijle (Tigris) waa laba webi oo waaweyn oo dhexmara dhulka maanta loo yaqaano Turkiya, Ciraaq iyo Siiriya, webiyadaas oo leh taariiq iyo ilbaxnimo fog oo salka ku heysa ilbaxnimadii Mosobitaamiya. Wabiyadaasi waa kuwii ugu horeeyey ee la horumariyey. Turkiya, Ciraaq iyo Suuriya waxay aad ugu xiran yihiin biyaha webiyadaas, oo ay saddexdooduba wadaagaan. Webiga Dijle waxaa caalamka looga yaqaannaa Tigris.

Labadan webi waxay marka hore ka soo bilaabmaan buuraha dalka Turkiya ayada oo
Webiga Furaad uu sii dhexmaro dalka Suuriya, kadibna dhexmaro dalka Ciraaq, webiga
kale ee la yiraaadho Dijle (Tigris) wuxuu isagu si toos ah u dhexmaraa Ciraaq, halkaas oo ay labada webi isaga darsamaan, iyaga oo markaasi qaadanaya hal magac, kaasoo ah webiga Shatt Al-arab, wuxuuna markaasi ku shubmaa badda loo yaqaanno Gacanka
Carabta (Arabian Gulf) , ama Gacanka Beershiya (Persian Gulf).

Webiga Furaad oo uu dhererkiisu gaarayo 2 700 km, ayaa biyaha uu wado sanadkii oo
dhan lagu qiyaasay 35 bilyan oo mitirkubo (m3), halka Webiga Dijle (Tigris) oo uu
dhererkiisu gaarayo 1718 km, lagu qiyaasay biyihiisa in la eg 49 bilyan m3. Labada webi waxaa dhul ahaan baadax weyn webiga Furaad (171 800 km 2). Inkastoo webiga Furaad uu dhul ahaan iyo dherer ahaan weyn yahay haddana waa laga biyo badan yahay. Balse labada webi waxaa aad loo horumariyey Furaad (fiiri Sawirka 3 ee hoos ku yaala).

Sanaddadii 1970nadii, intii aysan Turkidu bilaabin in ay biyo-xireeno baaxado waaweyn ka dhisaan webiga Furaad, tirada biyaha webigaas ee soo gaarta Suuriya waxay la ekaan jirtay 30 bilyan oo mitirkubo (m3), Ciraaqna waxaa soo gaari jiray 33 bilyan oo mitirkubo oo biyo ah. Balse waxaa Ciraaq maanta soo gaara tiro biyo oo la eg 8 bilyan oo mitirkubo, hoos-u-dhac gaaraya 73%. Hoos u dhacani oo ah mid aad u badan oo aysan Ciraaqiyiintu aqbali karin. Intii ka dambeysay todobaatanadii, ismaandhaafka dalalka gobolkan wuxuu noqday mid joogto ah.

Mashruucyada ugu waaweyn ee laga dhisay webiga Furaad waxay kala yihiin sidan:

 Biyo-xireenka Keban, oo ay Turkida dhiseen 1973kii, wuxuu celin karaa biyo ay mugoodu gaarayaan 30 bilyan oo mitirkubo.
 Biyo-xireenka Karakaya, oo ay turkidu dhisteen 1975kii wuxuu isagane celin karaa biyo gaaraya 10 bilyan oo mitirkubo.
 Biyo-xireenka Ataturk, oo loogu magac daray madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Turkiga (Mustafa Kamal Ataturk, 1881-1938), ahaana ninkii ka dambeeyey in Turkiya ay noqoto qaran iyo dhul maamul-dowladeed leh kana xoreeyey Boqortooyadii ka talinjirtay dhulkaas, waxaa biyo-xireenkaas la dhisay sanadkii 1989kii, wuxuuna celin karaa biyo ay tiradoodu gaarayaan 48 bilyan oo mitirkubo, wuxuuna soo saaraa koronto ka badan 2400 oo megawaat (MW). Biyo-xireenkan oo ah midka ugu weyn Turki wuxuu biyo waraab ah u helaa dhul-beereed baadax weyn. Siiriya iyo Ciraaq aad ayey uga qeyliyeen biyo-xireenkaan. Waa biyo-xireenka 6 aad ee dunida ugu weyn.
 Sanadkii 1973dii ayaa dalka Siiriya oo ay kaalmeeyeen dalkii la oran jiray Midowga Sofiyeeti (Ruushka) wuxuu isaguna ka dhisay webiga Furaad biyo-xireen weyn oo ay ugu magac dareen Tabqa. Harada ka gadaaleysa biyo-xireenkaas oo loogu magac daray Asad oo ah madaxweynaha dalka Siiriya, wuxuu mugiisu gaarayaa 12 bilyan oon mitirkubo, wuxuuna soo saari karaa quwad koronto oo dhan 800 MW. Khilaafka iyo ismaandhaafka ka taagan biyaha labadan webi waa mid halis ah ayada oo ay sabab u tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiis la’aanta isticmaalka biyaha ee dalalkaas, tirada dadka ee gobolkaas oo sii kordheysa, biyo yari ka jirta dalalka Siiriya iyo Ciraaq cimilada kulul ee hawadooda darteed.

Dalka Turkiya waa dal qani ka ah dhinaca biyaha, balse dalal ka hooseeya ee ay biyaha webiyada Furaad iyo Tigris wadaagaan waa dalal ay biyo yari ka jirto, waxeyna baahi weyn u qabaan biyaha webiyadaas oo ay qeyb ku leeyihiin. Khilaafyada ugu kulul oo ay ku sigatay in uu dagaal furan dhaco waxay dhaceen waqtiyo fara badan kuwaas oo run ahaantii dhexmaray Siiriya-Turki iyo Ciraaq-Siiriya. Khilaafyadaasoo aan illaa iyo hadda xal loo heyn waxay bilowdeen 1956dii markii ay Siiriyiintu ku fikireen in ay horumariyaan biyaha webi kale (Asi), turkida oo iyaguna qorsheeyey in ay webigaas horumariyaan kadibna ay furaan wada hadalo lagu xalinayo dhibaatooyinka biyaha Webiga Furaad. Siiriyiinta iyo Masaarida oo xilliyadaas (1956-62) leysku oran jiray Jamhuuriyadda Midnimada Carabta, UAR, waa ay ka soo horjeesteen qorshihii Turkida. Lixdameeyadii ayey Turkiya iyo Siiriyaba ku dhaqaaqeen sidii ay u
horumarin lahaayeen biyaha webiga Furaad ayaga oo aanan iswaafaqsaneyn, markaas oo ay Turkidu dhisatay biyo-xireenka Keban oo uu dhismihiisu dhamaaday 1973kii, Siiriyana ay dhisteen biyo-xireenka Tabqa.

Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso