Shan Maroodi Ayaa Sababay in ay Xiraan Waddo Weyn oo ku taallo koonfur bari Spain kadib Markii Ay Ka Soo Baxsadeen Gaari Ay Ku jireen kaas oo Ay Burburiteen.

(Toggaherer)-Shan maroodi ayaa sababay in ay xiraan waddo weyn oo ku taallo koonfur bari Spain kadib Markii Ay Ka Soo Baxsadeen Gaari Ay Ku jireen kaas oo Ay Burburiteen.

Mid ka mid ka mid ah maroodiga ayaa u dhintay dhaawacyo soo gaaray iyadoo laba kalana ay waxyeello soo gaartay sidaasi waxaa sheegay booliska.

Maroodiga dhaawaca soo gaaray ayaa wadada looga qaaday wiish.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada Pozo CaƱadagalabkii Isniinta . darwalkii gaarigii xamuulka ahaa ee ay saarnaayeen maroodiyada ayaan wax dhaawac ah soo gaarin.

Xoghayaha dowladda Spain u qaalbilsan gaadiidka Gregorio Serrano ayaa baraha bulshada soo dhigay video Muujinya maroodiyada oo laga daad gureeynayo waddada.

Booliska gobolka Albacete ayaa shaaciyay sawirro muujinya saddex maroodi oo ka mid ah shanta maroodiyadi oo ku wareegeeysanaya wadada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso