-Dab ka kacay Dekadda Xudeyda Ee Dalka Yemen Oo Baabi’iyay Raashin Badan Oo Gargaar Ah.

(Toggahrer)-Dab ka kacay Dekadda Xudeyda Ee Dalka Yemen Oo Baabi’iyay Raashin Badan Oo Gargaar Ah.

Dab ka kacay dekadda Xudeyda ee waddanka Yemen ayaa waxa uu baabi’iyay raashin badan oo ay leedahay Qaramada Midoobay kaas oo si xad dhaaf ah dalkaasi ay colaadaha hareeyeen loogaga baahnaa.

Dadka ka shaqeeya dekadda ayaa sheegay in afar bakhaar oo waa weyn ay gubteen.

Dekaddan oo ay gacanta ku hayso fallaagada Xuutiyiinta ayaanan weli si buuxdo loo baarin waxa kiciyay dabka.

Waddanka Yemen ayaa waxaa ka taagan wax lagu tilmaamay dhibaatada bini’aadamnimo ee ugu xun caalamka, iyadoo in ka badan 22 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

Haddaba khadka waddankaasi Yemen ayaa waxaannu kula xiriirnay Dr Xuseen Yoonis Xasan, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiisyada Hay’adda Qaramada Midoobay ay ku leedahay dalalka Yemen iyo Suuriya, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.

Advertisement

Ku Xayeysiiso