-Faransiiska Oo Dhexdhexaadin Ka Gali Doona Muranka Suuriya.

(Toggaherer)-Faransiiska Oo dhexdhexaadin Ka gali Doona Muranka Suuriya.

Loollanka ka taagan waqooyiga Suuriya ayaa noqday wareer diblumaasiyadeed oo weyn, kaas oo suurtogal ka dhigaya in labo xulufo oo kawada tirsan NATO, waa Turkiga iyo Maraykankee ay iska soo horjeestaan.

Faransiiska oo dhexdhexaadin ka gali doona muranka Suuriya

Xooggaga Turkiga oo taageeraya malayshiyo ay xulufo yihiin ayaa jabiyey dagaallamayaasha Kurdiyiinta ee ku sugan gobolka Afrin, hadda waxay ku hanjabayaan in ay u wareegi doonaan oo ay indhaha ku hayaan magaalada Manbij.

Golaha qaran ee nabad galyada Turkiga waxay arbacadii soo saareen digniin kama dambays ah, ayadoo dawladda turkigu ay sheegayso in ay tallaabo qaadi doonto haddii dagaallamayaasha Kurdiyiintu aysan si dhakhso ah uga bixin deegaankaas.

Dhanka Maraykanka ee ku aaddan khilaafka maahan mid u muuqda in ilaa iyo hadda la xalliyey, mana jirto calaamad muujinaysa in ciidamada Maraykanka laga saaray Manbij, halkaas oo ay ku gacan siinayeen Jabhadda dimuquraadiga Suuriya taas oo wadday dagaal lagu guulaysatyay oo ka dhan ahaa Daacish.

Waa nooc diblumaasiyadeed oo uu u arkay madaxweyne faransiiska Emmanuel Macron in ay jirto fursad uu ku noqon karo dhexdhexaadiye nabadeed. dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo daganaansho ka dhaca deegaanka Suuriya ee khilaafka ba’ani uu ka taagan yahay ayaa ah mid lasoo dhawaynayo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso