Tacsi: Anaga oo Ku Hadlayna Magaca Maamulka iyo Ka Dhamaan Shaqalaha Shabakada Togaherer Waxaan Tacsi U diraynaa Eheladii Marxuun Baashe Sheekh Yuusuf Oo Maanta ku Geeriyooday Hargaysa

Anaga oo Ah Hormoodka Golaha Tafatirka Warbaahinta Togaherer Anaga oo Ku Hadlaayna Magacayaga iyo Hawlwadeenada Warbaahinta Togaherer Waxanu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Dadka Afka Somaliga ku hadla Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Baashe Sheekh Yuusuf Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.


Dhamaan Waxaanu ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuum Baashe Sheekh Yuusuf. Waxaan Si Gaara uga tacsiyeynayaa Komminshineer Cabdifataax Ibraahim Sheekh Yusuf  Oo Uu Adeer u ahaa Marxuumku. Waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha idinaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana alleh uu dhaafo.

Marxuun Baashe Sheekh Yusuf  Waxaa uu ahaa mid ah uguna caansana ciyaartooyiga Somaliland iyo Somaliya  Waxa kale oo uu ahaa Marxuumku Banker. Waxyaalaha uu ilaahay Hibada u siiyey waxaa ka mid ahaa In uu ahaa Abwaan curiya heeso farabadan, Fanaa Waxa kale oo uuahaa  jeela Riwayaddo Badan. Dhimaca mihnada Saxaafada  Waxa uu ka mid ahaa Wariyayaashii  Radio Muqadishu Kuwii La majeeran jiray. Marxuumku isaga oo intaas oo hibo ilaaah ugu deeqay waxa uu ahaa ehelo diin, edib iyo Akhlaaq suuqab ilaahay Ku manaystay. Waqtigiisii  dadku ay odhan jireen wa xidig amba celebrity gii dalka ugu horaayay. Wanaag wall oo loo qiro ama shaqsiyad wal oo qiimo ku leh aduunka waxaad daynayn Wadkii uu ku tagaayey Gurigiisii Rasmiga ahaa.

Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo Dambigiisana alleh uu dhaafo, qabrigana alleh uu u waasiciyo. Sido kale waxaa eheladii, Qaraabadii , Somaliland iyo Somali oo dhan aan ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Qoyskii uu ka geeriyoodayna cawil Khayr Qaba alleh ugu badalo.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

Warqabadka Togaherer
Oslo/Norway.

Advertisement

Ku Xayeysiiso