Ethiopia: Siyaasi Mucaarad Ah Oo Ka Hadlay Doorashada Abiy Ahmed

(Toggaherer)-Ethiopia: Siyaasi Mucaarad Ah Oo Ka Hadlay Doorashada Abiy Ahmed.

.

Bekele Gerba oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Ethiopia ayaa ka hadlay doorashada Abiy Ahmed loo doortay gudoomiyaha ururka EPRDF ee talada dalkaas haya. Bekele oo ah siyaasi ka dhashay qoomiyada Oromada isla markaana ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Federalist Congress, waxa uu ka hadlay doorashadii uu Abiy Ahmed ku helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi.

Doorashadaasi waxay dhabbaha u xaadhaysaa sidii uu xilka ra’isal wasaarenimo ugala wareegi lahaa Hailemariam Desalegn oo bishii hore is casilay. Waxaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah maalintii ka dambaysay markii uu is casilay.

Hadaba, Bekele oo BBC-da la hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Muhiimaddu ma aha qofka ra’isal wasaare noqonaya, waxa weeyi siyaasadaha iyo aydhiyoolajiada dalka lagu xukumayo. Sidaa awgeed, ma filayno isbedel badani in uu dhaco. Waanay iska caddahay in shakhsiyaadku leeyihiin xilal kala duwan. Markaa, marka aan eegno qofka hadda noqday gudoomiyaha EPRDF, oo laga yaabo inuu berri noqdo ra’isal wasaaraha dalka, waxaanu sugi doonaa guusha uu ka gaadho caqabadaha ka hor iman doona. Waxaan odhan karo waa arrinta ugu muhiimsani waxa weeyi awoodda uu u yeelan karo talada ciidanka iyo laamaha nabad sugidda sida uu u suurto geliyo in hay’adaha dawladdu ka madax banaanaadaan faro gelin siyaasadeed. Waxa ay ila tahay in uu qaabayn doono mustaqbalka dalku waxa weeyi sida ay ciidanka iyo nabad sugiddu ula shaqeeyaan ee uga amar qaataan ra’isal wasaaraha cusub, ilaa xadka ay u hogaansami doonaan dastuurka. Markaa arinta waa in dhinacyadaas oo dhan laga eegaa.

Xisbigayaga Oromo Federalist Congress, ma aaminsana ay xaaladda degdegga ahi daruuri ahayd. Xaaladda degdegga ahi halkii ay xal ka keeni lahayd ayey dhibaatadii jirta uga sii dartay. Waxay abuuraysaa xasilooni darro iyo meelo badanna waa laga diiday, waxay sidoo kale keentay fawdo iyo mudaharaaddo.

Markaa waxaanu rumaysannahay in ay haboon tahay in marka ra’isal wasaaraha cusubi xilka la wareego la qaado. Hadii ra’isal wasaaraha cusubi qaadi karo tallaabadaa waxaanu u arki doonaa bilow fiican.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso